Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gudoomiye Kuxigeenka 2aa ee Wakiilada Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Ku Bogaadiyey Madaxweynaha Kililka Shanaad Cafiskii Uu U Fidiyey Maxabiista 43-nin Ahayd.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, June 26, 2012
Adis-ababa(HWN):-Wefti uu hogaaminayo guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Ali Yusuf Ahmed iyo Gudoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada oo dhan ayaa waxay ku bogaadiyeen Madaxweynaha Dawlad deegaanka

Adis-ababa(HWN):-Wefti uu hogaaminayo guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland  Md Ali Yusuf Ahmed iyo Gudoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada oo dhan ayaa waxay ku bogaadiyeen Madaxweynaha Dawlad deegaanka Kilalka Shanaad ee dalka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cabdi, kadib markii uu maalintii sabtida cafis u fidiyey 43 qof oo ku xidhnaa Jeelka Magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia.

 Cali Aw Yuusuf

Weftigan oo ka kooban sideed xubnood ayaa waxay safar shaqo ku joogeen maalimihii la soo

dhaafey Magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Adis-ababa.isla markaana waxay kulamo la yeesheen muddadii ay halkaasi joogeen  Barlamaanka dalka Ethiopia, waxaanay halkaasi ku galeen aqoon-siweydaarsi ku saabsan sida ay guddi-hoosaadyadu u shaqeeyaan iyo xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya labada Baarlamaan ee Somaliland Iyo Ethiopia.  

Waxa ay weftigan wada-halo dhex mareen Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee kililka shanaad  Cabdi Maxamuud Cabdi ka hor intii aanu cafiska u fidinin dhowr iyo afartameeyaha ku xidhnaa jeelka Jigjiga, wakhtigaas oo uu shaqo u joogay Adis-ababa. Waxaanay Weftigu kala hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay arrinta Maxaabiista xidhnayd ee ahayd 43 qof.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu si fiican u soo dhaweyey weftigan ka socday barlmaanka Somaliland, isaga oo u sameeyey casho-sharaf, lagu qabtey  Hotel-ka Harmoney ee Magaalada Adis-abab waxa madaxweynaha ku wehehlinaya casho-sharafta Wasiirkiisa jidadka Khadar Dheere iyo Afhayeenka Xisbiga dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad Cabdi Maxamduud Cabdi waxa uu marti-qaad ugu fidiyay Weftiga barlamaanka Somaliland ka socda magaalada jijiga, kadib marka ay ka soo noqdaan Magaalada Adis-baba oo ay ku sugan yihiin, waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu kulan intan ka balaadhan uu  la yeelan doono, kas oo ka dhici doona magaalada   Jijiga.

 

Hadhwanaagnews/Office

Adis-ababa/Ethiopia

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.