|
|
MAANSADAN TAHRIIB WAXAY SOO BAXDAY 28 oo Maanta ah WAXAANA CURIYEY: Axmed Maxamed Ismaaciil ( Ina Timo Halashle (Hadhwanaagnews) Thursday, June 28, 2012 marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda sabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews
MAANSADAN TAHRIIB WAXAY SOO BAXDAY ( 28/6/2012 WAXA CURIYEY: Axmed Maxamed Ismaaciil ( Ina Timo Halashle ) tahriibkiyo hawlihiisa hayaanku haduu fogaado hadaad hawadaada raaco habowdoo halmaanto nolosha hir meel fog ka muuqda aragto hadaani ka soo sokayso halaaga adoo u jeeda hedaada miyaad ku goysay hebliyo hebalbaa tagoo iyaba howl yare ku gaadhay hadeerto waxaanad hubin hadhaw inaad gaadhi mooye hamada beeta ah haraacin ha marin marin halisi taalo ha hoojinin waalidkaa hurdada howdiidin hooyo hadhawto markay ku waydo habeenkii seexan mayso hanfiga adigoon lugaynin haraadkiyo umas ku daalin hebeeno ku seexan gaajo hamiga wadankaaga gali hagaaji u heelanow hadhawtana waad ka heli waxaad u habeebi lahayd haseegin hilinka toosin hadhigin qalinkiyo hubkiisa hadaad u hamooto guurna hagaajinta qoska wacan horuumarinteena waaye halkii qoseehagaaga qaranka heelbuu u yahay
Axmed Maxamed Ismaaciil ( Ina Timo Halashle )
|