Salaan madax da Shaqaalaha shabakada Hadhwanaagnews iyo dhamaan dad ka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
maqaalkan oo ku salaysan shirka labada dhinac ee ka Emarate iyo maxaa laga filan karaa in ay ka soo baxaan.
Shir kan oo daba socda furitaan kii siyaasada debeda ee S/land iyo shirkii London Turkiga; Waxa dad badani is waydiinayaa maxaa ka soo bixi kara shirka laba maxad wayne ee S/land iyo S/Lia?
Waxa la la isku raacay in shirkan ay dabada ka wadaan European sida UK; Norway: Sweden IWM.; Sidaad si
darteed ay yar tahay fursada in shirka lagu lagu kala dareero.
Shir ka Dubia oo noqon doona ah sadex dhinac; Xooginta nabad gelyada; Qaysiga caawimooyinka iyo arimaha dhaqaale; Iyo gooni isu taaga Somaliland. Waxa dad badani aamin san yihiin in lagu soo qaadan doono laba dhinac. Dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca nabad gelyada; Dhina sadexaad ee gooni isu taagana S/Land dib loo dhigan doono.
Hada ba maxaa ugu jira Somaliland shirkan; S/Land waxaa ugu jira iftiin siyaadadeed; Qaybsi dhaqaale amase caawimo iyo caawimooyin wax barsho.
Dhinaca kalena amase Sh. Shariif na waxa ugu jira magac siyaasadeed. Taas oo noqonaysa in in uu Sh. Shariif suurto geliyay in S/land iyo Somalia wada had laan. isla markaan ah arin uu isku sharixi karo doorashooyin ka soo socda ee Somaliya.
Si kasta arintu ha ahaatee; Waxay u muuqataa in kala noqoshada S/Land iyo Somalia in uu maalin ba malin ta ka dan baysa isa soo tarayo.
Suleiman Adan Dheere
London
sjama24@yahoo.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
|
|
|