Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Kulankii Ka Dhacay Waddanka Imaraadka Ee Labada Madaxweyne Ee Somaliland Iyo Somaaliya Oo Ay Goob Joog Ka Ahayeen Dhammaan Maamul Goboleedyada Somaaliya Yagoo Ku Dabo Faylay Shiikh Sharif. Daawo Faroole Oo Dhukusaaya.


(Hadhwanaagnews) Friday, June 29, 2012
(London-HNW) Wadahadalkii shalay dhexmaray labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Silaanyo iyo Madaxweynaha Somaaliya Shiikh

(London-HNW)  Wadahadalkii shalay dhexmaray labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Silaanyo iyo Madaxweynaha Somaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa waxaa ka soo baxay dareeno cajiibka. Waxaa ugu weynaa dareenadaas ka soo baxay, in wadahadalkaa  iyo goobtii ay wax ku kala saxeexanayeen labada Madaxweyne ay goob joog ka ahayeen maamul goboleedyada ka jira Somaaliya, yagoo ku dabo faylay Madaxweyne Shiikh Shariif.


Labada Madaxweyne Ee Labada Waddan Somaliland Axmed Silaanyo Iyo Somaaliya Shiikh Shariif. Waxaad Sawirka Ka Aragtaa Mud: Faroole Oo Dhukusaaya.



prefix = o ns = "urn:schemas-microsoft-com:office:office" />

 

Haddaba waxaa ugu tunweynaa Maamul Goboleedyada goobta joogay ee dhinaca Somaaliya ka soo jeeday Maamul goboleedka Puntland oo uu goobta ku sugnaa Madaxweynaha maamul goboleedka Somaaliya Abdiraxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah maamul goboleed yada ka jira dalka ay Somaliland jaarka yihiin ee Somaaliya. Waxaana la arkaayay isagoo aad moodo inuu dhukusaayo markii ay labada Madaxweyne ee labada Jamhuuriyadood is dhaafsanayeen qoraaladii ay kala saxeexdeen.  Sawirkan ayaa mujinaaya qaab u eeg niyad jab iyo yadoo Mudane Faroole sharcigu raaciyay isla markaana kukhasbay in ay jiraan  Laba Madaxweyne oo kala hoggaamiya laba waddan ku waas oo Lixdankiina midoobay hadana si walaal tinimo ah u kala guranaaya. Waana Somaliland iyo Somaaliya, wixii intaas ka sokeeya ay yihii qaybo kamid ah Somaaliya.

 

 

Sidoo kale waxaa arrintan guul ku tilmaamay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo ka sanqadhiyay mar ay shirjaraa´id wada qabteen Madaxda Somaliland shirkii labada Madaxweyne kadib in goob joognimada ay goobjooga ahayeen maamul goboleedyada Somaaliya ay sharaf u tahay Somaliland, madaama  oo ay  kamid ahayeen maamul goboleedyadaasi kuna dabo fayleeen Somaaliya. Wuxuuna yidhi "Haddii Ay rer Somaaliya ku yimadaan 10 firqood iyo haday hal firqo ku yimadaan innaga waa inoo Somaaliya waxayna ku dabo fayshanayeen Madaxweynahaas Shariif, taasi innaga waa inoo guul". Taaso reebidoonta shekooyin iska riyo ahaa oo ay dad Qurbajoog ahi melahaas la wareegi jireen sanadihii danbena ku badatay carriga Geeska

Muniir Axmed Cigaal
Hadhwanaagmedia England/
Uk.
Email
muniir10@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.