berbera dayactirka balaadhan oo dhinacwalba ah oo aanu samaynay,haday noqoto haamaha ,iyo bilicda guudba,
Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in shan iyo tobokii cishaba uu yimaado tanger shidaal ,mana dhicin ayuu yidhi intaa aanu shaqada haynay wax shidaala ah oo kala go,ay,
Waxa kale oo uu tilmaamay maareeyaha haamaha shidaala berbera Dr cismaan cabdi barkhadle in aay aad u ilaaliyaan tayada shidaala wadanka imanaya,waxaanan xoojinay ayuu yidhi markaa tangarka shidaalka sidaa soo xidho in aay fuulaan injineero hubiya inta tan uu sido ,meeshuu kasoo qaaday,iyo waliba tayada shidaalka uu dalka keenay,
Maareeyaha haamaha shidaala berbera berbera waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca amaanka ,waxaanu yidhi ,aad baanu u adkaynay soo galida xaruntan, dariiq dheerbaana loosoo maraa xataa booyadaha shidaalka waxa baadha sadex kantarool oo kala danbeeya ,waxa kale oo aanu kusoo wareejinay ayuu yidhi maaaeeyuhu xayndaab guud , guud ahaanba xarunta haamaha kayda shidaalka ,waxaana hada noo qorshaysan in aanu dhaqso u hirgalino qaybta kamaradaha oo dhaqdhaqaaqa xarunta wax badan ka tari doonta sugina doonta amaanka guud,
Ugu danabay maareeyaha haamaha shidaala berbera waxa aanu wax ka waydiinay sida uu u arko wadahadalada waqtigan dhexmaraya jamhuuriyada somalland iyo dalkaasi somaliya,waxaanu yidhi,
Walaahi aad baan u taageersanahay waayo waxa la gaadhay waqtigeedii taa laajigeed madaxwaynaha iyo xukuumadiisaba waan u hambalyaynayaa,waxaanan ogahay in madaxwayne axmed maxamed maxamuud siilaanyo uu wadankan halgan dheer usoo maray sidii uu xoriyadiisa taam uga dhigi lahaa, taana ilaahay ku guulayn doono.i
Wariye yasin jama alli
Berbera somaliland