Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ardayda Fasaladda Afraad ee Dugsiyadda Sare iyo Fasaladda Sideedaad Ee Hoose Dhexe Oo Berri U Fadhiisanaya Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa


(Hadhwanaagnews) Friday, June 29, 2012
Ardayda Fasaladda Afraad ee Dugsiyadda Sare iyo Fasaladda Sideedaad Ee Hoose Dhexe Oo Berri U Fadhiisanaya Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa

Hargeysa (HWN) Ardayda Fasaladda Afraad iyo 8-aad ee sare iyo hoose dhexe ayaa maalinta Berri ah u fadhiisan doonaa Imtaxaanaadkii shahaadiga ahaa.

Sidaasna waxa goor dhaweyd shaaca ka qaaday guddoomiyaha Imtaxaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo u waramayay warbaahinta.

Ardaydan oo tiradoodu marka la isku daro kor u dhaafayso 17 kun  ayaa

maalinta Berri ah dalka oo dhan uga fadhiisan doonaa imtixaanaadka shahaadiga ah.

Daa’uud waxa uu sheegay in muddo 15 sano ah oo ay imtaxaanaadka soo qaadayeen laga dhaxlay horumar la taaban karo isla markaana ay Somaliland u bislaatay dhinaca imtaxaanaadka.

Waxa uu ku booriyay ardayda in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay dhibcaha ugu guulaysan lahaayeen isla markaana isaga dhaafi lahaayeen wax kasta oo shaki gelin kara.

Guddoomiyaha Imtaxaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax waxa uu u rajeeyay ardayda kala duwan ee Reer Somaliland in uu alle ku guuleeyo imtixaanaadkaas.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa horaantii bisha june shaacisay mudada la qaban doono imtixaanaadka.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.