Kampala-(HWN)- Waa qaybtii Labaad Barnaamijkii taxanaha ahaa ee aynu kaga xog waramaynay Jidka Ay Somaliland U Mari Karto Dhabaha Horumarka (The way forward for development), oo uu inoo soo diyaariyay Aqoonyahan Naasir Ali Kabadhe oo Shahaadadda sare ee Masterka ka diyaariyay Jaamacadda Kampala Internationl University (KIU).
Qaybta Labaad ee Barnaamijkan oo uu qoraal ahaan nagu so gaadhsiiyay Aqoonyahan Naasir, waxa uu u dhignaa sidatan
normal">
Somaliland waxa lagu tilmaamaa laguna tirayaa in ay ka mid tahay Tobanka dal ee ugu horeeya wadamadda Afrika dhinacyadda, Nabadgelyadda, Siyaasadda, iyo Dimoqraadiyadda, shakina kuma jiro in Somaliland mudaddii ay jirtay ay ku guulaysatay nabad iyo xasilooni buuxdda.
Hadaba, marka laga hadlayo xaga dhaqaalaha waxa xaqiiqo ah oo laga doodi ka furan tahay in aanay Somaliland ka helin beesha caalamka marka la qiimeeyo waxa u qabsoomay mudaddii ay jirtay.
Somaliland waa wadan yar oo 21 sano ka hor dib ula soo noqday xoriyadii gooni isu taagiisa madax banaanidiisa walina aan helin ictiraaf rasmi ah iyo calan iyo astaan u gaara somaliland, taas oo macnaheedu yahay in aanay haysan marka la eego dhinaca dhaqaalaha aysan haysan jid ay u mari karto mucaawino laba dhinaca ama mucawino aad u balaadhan oo lagu kobciyo horumarka dhinac kasta leh ( development fund) sida dib u dhiska iyo horumarinta .bulshada
Waxaynu ka wada dharagsanahay in aanay somaliland lahayn ilo dhaqaale ku fillan oo hada shaqaynaya ay u adeegsato sidii ay wax uga qaban lahayd carqaladaha dhaqaale una maarayn lahayd ( economic management )
Sida aynu wada ognahay somaliland dhaqaalaheedu waxa uu ku tiirsanyay xoolaha nool( livestock ) waxaana lagu qiyaasa in 89% ay bulshada somaliland ku tiirsantay taas oo ah resource dihin ee somaliland ku faanto,
Marka aynu tilmaam guud ka bixinayno ilaha dhaqaale ee somaliland waxa xusid mudan ugu horayn
LIVESTOCK 89% ku xidhanyiin umada reer somaliland , hadii ay sidaa tahay Dawlodii hore ee uu hogaamin jiray mudane Dahir riyaale kaahin waxa u howl gashay sidii ay dib loogu furi laha suuqii ugu waynaa ee ay xoolaha u dhoofi jireen, dadaal badan ka dib waxa ay ku guuleesteen in suuqa dib loogu furo xoolaheena, iskuna dayay inay sharuud kasta galaan oo ay ku jirto danta umada reer somaliland, lama waayo cid si kale wax u aragta oo dhaliilo halkaa ka keentay,
Hadaba waxa dowlada manta shaqaynaysa la haboon sidii ay dadaalo hor leh u galin lahayd tayaynta iyo dhowrista , xanaanaynta xoolaha,
Wasaarda xanaanada xooluhuna ay ka yeelato barmamuj iyo qorshe loogu howlgalayo si guud oo xooga saaraya sidii bulshada reer somaliland ee xoola dhaqatada ah kuna nool dhulka miiga ah ay gaadhsiin lahayd adeeg wax ku oola, sida _ Daawaynta xoolaha_ tababarada aqoonta xoolaha dadka ku dhaqan miiga lana abuurto xidhiidh dhow bulshada la saxiibka ah dhaqashada xoolaha , sido kale ay u howl gasho sidii ay ku kasban lahayd shaqaale la darisa aqoonta xoolaha iyago kaashana haayad kasta oo gacan ka siin karta
ü Private sectors ama public private partnership
Horumarka xaga ganacsiga ee ay samaysay somaliland sanadihi ugu danbeeayay waxa ugu waawayn shirkadaha gaarka loo leeyay oo run ahaantii umihiim u ah kobaca dhaqaale ee bulshada, somaliland waxay u baahantay inay kordhiso ganacsiyada yaryar iyo dhexe Small medium enterprise xukumad ahaana ay wajibaad keedu yahay in ay so dhawayso taageertana shakhsi kasta oo maalgashanaya, shirkadaha waawayn ee ka qayb qaadanay horumarka dalka ee hada maalgashanaya wadanka tusaalena u tahay somaliland Coca Cola industries bulshada wax kuso kordhinaya, cadaaladna u samayso shirkadaha ganacsi guud ahaana ay dhiiri galiso midna aysan soo dhawaynin midna aan la riixin
ü Somaliland people Diaspora oo lagu qiyaso inay wadan sanad kasta soo galiyaan 450Million Us Dollar
ü Barbara port oo iyana kaalin wayn kaga jirta dhaqalaha dalka
ü Tourism hadaba aan dul istaagno qodabkan dalxiiska ah waxaa uu ku jiraa wadamo badan in uu dhaqaalahoodu ku tiirsanyay sida Egypt, somaliland waxa la ogyahay in ay tahay wadanka kobaad ee geeska Africa goobaha dalxiiska ama qadiimka ah ugu horeeya lakiin aysan jirin wax horumarin ah oo lagu sameeyay goobaha, sida Laasgeel, sheikh, ceerigaabo buurta daalo, taaso aysan ka muuqan wax dhiiri galinaya dalxiisayaasha, halkaana ay inaga so gali lahayd dhaqaale badan, hadaba waxaan leenahay dowladu haku baraarugto sidii ay uga faaiidaysan lahayd waxa ay haysto waxaan soo jeedin lahaa in lagu daro miisaniyada
Ictiraaf laaantu waxay ka mid tahay carqaladaha ugu waawayn ee haysta somaliland sidaan horeba xusnay, tusale ahaan waxaa uu dabar ku yahay private sector waana carqalad ka hortaagan maalgashi dibada uga imaada ( foreign investment and foreign private entrepreneurship as foreign investors) sida
Commercial banks somaliland waxay ka aradantay dhinaca banking institute kuwas oo qayb way ka qaadan lahaa horu kaca dhaqaale ee wadanka maalgashina ku samaysan lahaa gudaha wadanka sidoo kale abuuri laha fursado shaqo, dhinaca kalana daymin laha guud ahaan muwaadiniinta ( Microfinance institute IMFs provides opportunities job Microfinance institutions makes financial sense... As more poor people gained access to loans from microcredit institution) sido kalana daa yarta ku hamiyaya in ay sameeyan ganacsi gaara oo fursadan ka faidaysan lahaa
Wasaarada maaliyadu way qortay BANKING LOW lakin waxa uu noqday waraaqo la daabacay oo kali ah kuma ay guulaysan in ay wadanka keento Bankiyo badan
Dhinaca kale dowlada somaliland waxay qortay qorshihii ay ku maamuli lahayd 25sano ee soo socda dhinaca horumarka ( national development plan NDP)waxanay cayimtay shanta sano ee ugu horeeya budget keeduna 80% ay ka imanayso dowladaha deeqda bixiya si wax looga qabto poverty / nutrition/ education/ infrastructure /AND cross cutting issue,
Si kastaba ha ahaatee waxaa is waydiin leh jidke kaga bixi karna carqaladaaha hortaagan horumarka dhaqaalaha somaliland. Una kasban lahayd deeqahada dhaqaale (fund Aid ) inta aynu ka gaadhayso isu filaansho dhinac kasta ah.
Isku soo wada duubo qodabka aynu manta ka qiyaas qaadanayna arinkeenan manta daawaha saran
Structural Adjustment / economic liberalization/
Economic liberalization
1. Increase in internal and external competition
2. Structural change / relatively price in the economy
3. Directly related to allocative efficiency, gain associated
4. Technical scale and scale efficiency
Structural change
Kadib dagaalkii labaad ee aduunka amaba horaantii sanadkii 1980 kii dhaqaalo yahano aad u tiro badan aya soo saaray qodobo aad muhiim u ah marka la eego wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ( low development countries) LDC, si ay u dhiiri galiyaan dhaqaalah guud ee gobaladaa uu u noqan laha mid dagan ama taagan iyo sidii ( macroeconomic stability ) and national planning, sizable public sector,
Horaantii sanadkii 1980 WOLD BANK iyo IMF warbixin ay so saareen oo ku wajahnayd dowlada dhaqaala xumidu haysato, LDC Government , taas oo ku xidheen shardi ay ku balance garaynayaan lacgaha daynta ah/ deeqda ah ee ay siiyaan low development LDC, taas oo micnaheedu noqon karo ilaa ay fuliyaan qodabadan in anay dayna qaadan Karin deeqna la siin Karin taageero kalena aysan heli Karin wadamada horumaray,
Privatization of LDC owned enterprise
In ay qayb ka noqdaan siyaasada lagu dardar galinayo shirkadaha gaarka loo yeesho lagana saaro meesha suuqa cid gaara u xidhan ( monopoly ) suuquna uu noqdo suuq xor ah oo lagu tartamo / gaar ahaan shirkadaha gaarka ah iyo kuwa public private , competition public and private enterprise
Distribution income : in ay u sinaadaan dhamaan muwaadiniintu khayraadka dalka si isu midana loo wada isticmaalo si ay u yareeyaan sinaan laaanta,
Free market and fulfillment of individual potentials,
Si loogu saaro fikradaha kale loona kaxeeyo Globalization taas oo ay ka danbaysay u jeedon mustaqbalka fog lagu gaadhi karo hore socod xaga dhaqaalaha aha ugana bixi lahaayeen saboolnimada ,
Waxa biyo kama dhibcaan ah in wadamo badan oo isticmali jiray nidaamka socialism ku badaleen qqateena nidaamka liberalization ama capitalism ka kadibna ay dhaqan galiyeen wadamadooda wax kasta oo u sahlaya ama ay kaga bixi karaan carqadaha dhaqaale ee hortaagan, ugu horayn aan wax ka xusno wadamadaas iyaga shuruudahan buuxiayay,
Taiwans iyo south Korea, Malaysia . guud ahaan wadamada East Asia kuwaas oo ku waxyar gudahood xaliyay dhibta dhaqaale ee haysatay . India waxay tusale fiican u tahay arinkan sida fiican ee ay dhibrisay ka dib dhaqaala xumidii soo waa jahday sanadahi 1980 ila 90 sida ku cad INDIAN HISTORY BOOK ,a waxa kalo iyana jirtay wadamo ka tirsan wadamada LATIN America, xagan Africa iyana laga xusi karo wadamada South Africa, Malawi isana ka mida wadamada qaatay market policy qaaty horaantii sanaadkaa 80 kii waxbadana iska badaleen sida ku xusan ( Deepak Lai 1983)
Waxa kalo aad u mihiim u ah loona baahanyay in la xuso arimahan aynu halkan kuso qaadan doono una arkayno in ay muhiim u yihiin arinta tan
Free Market economy
( devalution management )
reduction government service/ public spending
budget deficit cuts, reducing tax on high earners,,
reducing inflation, wage, privatization, monitory policy,
increased free trade, business deregulation ,
Dhamaan waxyaabahasi waa khaqiiq in hadii sida ugu fiican soomaliland u hirgaliso waxbadan is badlilahaayeen mida gudaha iyo mida dibadaba lagana run sheego wax kasta oo u dana bulshada somaliland
Dowlada iyada ayaa xaq u leh in ay ilaaliso dhamaanba sharciyada ama xaydaabyada siyaasadeed,
Waxaan madex waynaha jamuuriyada Somaliland Mudane Ahmed M. Siilanyo aan u soo jeedan lahaa in uu sameeyo gole ka arrimiya horumarka dhaqan dhaqaale, bulsho, siyaasadeed, oo wakhtigooda iyo caqligoodaba, cilmigoodaba la garab istaagaya wadankooda. LA SO CO QAYBAHA KALE.
By Nasir Ali Kabadhe
Master Ats (MAD)
nasirkabadhe@gmail.com
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Soohaad10@hotmail.com
Hadhwanaagnews/Office
Kampala/Uganda