Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hay´ada Khayriga ah Ee Faarax Oomaar Laanteeda Waqooyiga Maraykanka Oo Axadii Shay Shir-talefoon Yeelatay Go´aamona Gaadhay..


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 03, 2012
Waxaa axadii shalay taariikhduna ahayd 07/01/2012 kulan dhanka telefoonka ah ku wada hadlay xubno badan oo ka tirsan Hay´ada Xaaji Faarax Oomaar(Reer Daahir iyo Alla-magan)oo khayri ah

Washington,D.C(HWN):Waxaa axadii shalay taariikhduna ahayd 07/01/2012 kulan dhanka telefoonka ah ku wada hadlay xubno badan oo ka tirsan Hay´ada Xaaji Faarax Oomaar(Reer Daahir iyo Alla-magan)oo khayri ah,kuwaas oo kala jooga magaalooyin ka tirsan waqooyiga Maraykanka (US-Canada),Waxaanay ka wada hadleen sidii loo unki lahaa laan ay hay´adaasi yeelato,taas oo ka jiri doonta labadan dal,isla markaana ku xidhmidoonta xarunta hay´adaasi oo ka dhisan magaalada Burco ee gobolka Togdheer,iyadoo Caasimada hargaysana ku leh laan labaad.

Waxaa shirka hadal iyo warbixin uu jaaliyada siinayo ku bilaabay furitaankii shirka Eng:Axmed Xaaji Maxamed Biixi oo isagu ah madaxa hay´adaas ee laanta hargaysa,Waxaanu aad uga hadlay

dhibaayin horumarineed oo deegaanadaas ka jira iyo meelo kale oo dalkaba ka mid ah,isagoo sheegay in arinkaa lagaga bixi karo iyadoo layskaashado oo gacmaha lays qabsado oo loo soo jeesto sidii dadkii dalkii ku danbeeyey wax loogu qaban lahaa.Waxa kale oo uu sheegay in hada ay qaybaha bulshadu bilaabeen inay iskaashadaan oo sidii laysugu dhow yahay deegaan ahaan wax loo wada qabsanayo,waana arin fiican buu yidhi Eng:Axmed.,waxaanu kula taliyay jaaliyada labadan dal(US-Canada) inay samaystaan laantan kuna xidhmaan xafiiska dhexe oo uu isagu ka socday.sidoo kalena wuxuu yidhi marka qolo kastaaba(reer Somaliland) is habayso ayay dadka kalena wax tari karaysaa.

Waxa la waydiiyay su´aalo dhamaantood ku sabsanaa xaalada dalkii iyo dadkii ku suganyihiin gaar ahaan labadan beelood ee ku midoobay Hay´adan khayriga ah iyo sida ay suurtagal ku noqon karayso in la sameeyo laantan hay´adu ku yeelanayso waqooyiga maraykanka.Su´aalahaasna Engeneerku wuxuu ka bixiyay jawaabo waafiya oo qanciyay xubnihii goobjooga ahaa.

Waxaa iyana hadlay xubno badan oo shir-fogaan-maqalka(Telephone conference) ka soo qaybgalay waqtina u soo huray,isla markaana ay ka muuqatay sida ay u rabeen inay wax u qabtaan oo ay caawiyaan dadkooda.waxay kaloo isla qireen jaaliyadu in iyaga laftoodu u baahanyihiin meel ay iska helaan marka ay doonaan ama markastaba.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Md cabdi faarax-laqan waxaanu yidhi"Arinkani waa arin fiican loona baahnaa in l asameeyo xili hore,wax badana waa laqaban karaa hadii cududa laysu geeyo,hadaba marka hore waa in marka hore la sameeyaa qaab loowada xisdhiidho iyo dad xidhiidhka wada."wuxuu intaa ku daray Md cabri faarax-laqan oo yidhi"Waa inaan ogaanaa waxa aan qaban karayno iyo sida u sahlan ee aan howshaa u qaban ka rayno."Md cabdi wuxuu hadalkiisii ku soo idleeyey"waa in Hay´aha khayriga ah ee Xaaji faarax Oomaar lhaqshia gaadhsiiyaa meelkasta oo jaaliyadu ka joogto caalamka."

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Md maxamed jaamac isagoo hadalkiisii ku bilaabay"Waa in gudaha dalka dadka joogaa noqdaan kuwo dadaal muujinaya,hadana taasi kama muuqato,halkana waa in laga sameeyo gudi jaaliyadana isu keenta isla markaana xidhiidh la samaysa xaruntii dhexe iyo Burco,si loo ogaado halka wax marayaan."wuxuu intaa ku daray "aynu balano oo shirarkale isugu soo noqono,sidoo kalena aynu dadka wada gaadhsiino fariintan muhuumka ah."

Waxaa iyana ka hadashay madasha Marwo Amaano Gaaruf oo ka mid ah dadka aadka ugu ololaynaya sidii jaaliyadani wax u qabsan lahayd,waxaanay sheegtay in haweenka ku abtirsada hay´adani diyaar u yihiin sidii ay u noqon lahayd mid taaba gasha iyo sidii dadkii wax loogu qaban lahaa,waxaa hadaladeedii ka mid ahaa"dhankayaga dumar ahaan diyaar baanu nahay,waxbana hakranmayno ee waa in hore loo socdaa,lagana daalin arinkan."

Dadkii qabanqaabada shirka wax ku lahaa goobtana ka hadlay waxaa ka mid ahayd Md Hoodo jaamac Xaashi oo sheegtay inay arinkan aad ugu faraxsantahay,dadaaal badana ay u gelidoonto sidii jaaliyada joogta dalka Canada ay u abaabulilahayd isla markaana ugu soo xidhi lahayd shirkan lagu unkayo gudiga laanta waqooyiga maraykanka ee hay´ada Xaaji Faarax Oomaar.

Dadbadan ayaa shirkan ka soo qayb galay,kuwo kalena maalintaa u may suurtoobin inay ka qayb qaataan shirka,duruufo kala gedisan awgood,laakiin dhamaan waxay xidhiidh la soo sameeyeen maamulkii shirka,iyagoo ka balan qaaday inay soo xaadiridoonaan kuwa danbena kaalintooda ka qaadandoonaan.Guud ahaan shirku wuxuu ku soo dhamaaday Guul iyo isafgarad iyo in halkaa laga sii wado dadaalka lagana midho dhaliyo u jeedooyinka Hay´adan oo ah inay horumariso nolosha kumaankun qof oo labadan beelood ka soo jeeda kuwaas oo degaankoodu yahay Hawd ilaa Saaxil.Sidoo kale waxaa ujeedooyinkeeda ka mid ah inay kacan ka gaysato horumarinta Somaliland dhankay doonto ha ahaatee.

Ugu danbayntii waxaa laysku raacan shirkan oo ahaa maalintii koowaad qodobadan:

1-In unkida laantani tahay mid lagama maarmaan ah,dibna ay xiligeedii uga dhacday.

2-In jaaliyada inteeda kalena lagu soo xidho shirarka danbe.

3-In la sameeyo qaabab jaaliyadu ku xidhiidhaan laamaha kalena kula xidhiidhaan(E-mail group,Facebook group,Telephone conference number,)IWM.

4-In shirku noqdo mid joogto ah ilaa la dhisayo laanta hay´ada faarax Oomaar ku yeelanayso Waqooyiga Maraykanka.




GUDIDAQABAN QAABADA SHIRKA

Ilaahay baa mahadleh.......muxammed baa sharafleh(SCW)
"Indeed,deeds are by the intention"انــما الاعــــمال بالنـــيات
              
muxaami@gmail.com

                Washington,D.C

             
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.