Hargeysa (HWN) Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Md: Axmed Maxamuud Sh: Muxumed (dhago) ayaa si saraaxad leh uga hadlay markii ugu horaysay arimo dhawr ah oo is barkan kuwaas oo hoos imanaya Xidhiidhka Kubada Somaliland. Gudoomiye Dhago oo si gaara ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika qeybtiisa Ciyaaraha ayaa ka hadlay dhawr arimood oo todobaadadii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayey oo ay ka mid yihiin Kooxdii Heerka Koowaad ee D.H.H oo laba bilood ka hor uu kala diray Maayar Jiciir,
Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliya oo ku sugan magaalada Hargeisa, iyo warar lagu baahiyey warbaahinta qaar
Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta oo ugu horayn ka hadlaaya Kooxda D.H.H ayaa ku bilaabay hadalkiisi Waxaa jirta caqabad ah in maayarku uu dhawaa kala diray kooxdii oo uu ka jaray mushaharkii, arintaana run ahaantii Wasaarada iyo Xidhiidhkuba waxay uga hawl galeen si xoog leh ilaa Wasiirka Arimaha Gudaha waan u gudbiney, xidhiidh ahaana arintaas aad iyo aad ayaan u dhaleecaynaynaa suurto galna maaha mid la aqbali karana maaha in maayarku uu sidaas yeelo, bulshada Ciyaaruhu waxaabay rajaynaysay in Dawlada Hoose ay intaas in kabadan inay qabtaan dhiiri gelisana dhalinyarta ciyaaraha haday noqoto garoomo la dhiso haday noqoto garoomo la dayactiro. Arintaasna anagu waxaanu u daba fadhinaa xukuumada inay si degdeg ah wax looga qabto. Run ahaantiina Wasiirka ciyaaruhu wuxuu sameeyay dedaal dheeriya oo la xidhiidha arintaas. Wasiirka Arimaha Guduhuna wuu balan qaaday inuu arintaas wax ka qabanayo waxaana rajaynayaa in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban doono
Dhanka kale Gudoomiyuhuu wuxuu sheegay waxyaabaha u qabsoomay Xidhiidh ahaan intii ay jireen iyo waxa u qorshaysan inay qabtaan Xidhiidhka Kubada Cagta waxaa la doortay muddo laba sanno ah oo ay kaga eegtay December 26-keeda ee Sannadkan, mudadadaas waxaa noo qabsoomay runtii waxyaalo badan oo iskugu jira tartamo heerka koowaad ah heerka labaad ah ciyaarihii Gobolada Somaliland oo ka dhacay magaalada Burco oo si toosa loola socday, munaasabado sida maalinta naas nuujinta, xuska 18-may oo dhamaantood dhacay sannadkii hore. Sannadkan way jiraan waxyaabo noo qabsoomay iyo waxyaalo kale oo aan qabanayno ilaa hada waxaa qabsoomay tartankii kooxaha heerka labaad iyo seddexaad oo ay maalgalisay hayada Mercy Corps, Sannadkan waxaa noo qorshaysan Wasaarada iyo Xidhiidhka Kubada Cagtuba in la qabto bisha Ramadaan ka dib Seddex tartan oo kala ah Telesom Cup oo labadii Group ahaa oo ay sannad walba balan qaaday inay qabato oo ay ka qayb gali doonaan kooxaha heerka koowaad, Horyaal caadi ah oo aan hore loo qaban noociisa oo kale oo kooxaha Heerka Koowaad ah, iyo Ciyaarihii Gobolada Somaliland oo la qaban doono Bisha November ee sannadkan waxaana lagu qaban doona Magaalada Hargeisa, Tartanka Gobolada kharaskha ku baxaaya waxna Wasaarada iyo Dawladaa bixinaysa, waxna shirkadaha ayaa bixinaya sida Telesom oo kale garoonkana waxaan u mahad naqayaa shirkada Dahab-shiil oo si fiican u dayactirtay imikana diyaar ah Xidhiidhka Kubada Cagtuna halkaas u guuray oo xafiisyadiisi ka dhigtay
Gudoomiye Dhago waxaa kale oo uu wax lagu xumaado ku tilmaamay war aan sal iyo raad lahayn oo uu wargeyska Saxansaxo ka qoray Arimaha maalmahan uu qorayay wargeyska Saxansaxo oo runtii uu u qorayey si anshaxa saxaafada aan waafaqsanayn oo waxay doonaan oo muhmala iska qorayeen. Anaga Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland hadaanu nahay waxaan haysanaa ogolaansho, Xidhiidhku shuruuc buu leeyahay lagu doortay, dhawaan waxaan soo casuunay Xidhiidhka Kubada Cagta ee Soomaaliya oo muddo laba cisho ah halkan joogay (Hargeisa), waana shaqadii aanu anagu u xil saaranayn ee naloo doortay in Kubada Cagta dalkeena la hormariyo. sannadkan horaantiisi waxaan booqanay Jabuuti oo aanu gaynay seddex Garsoorayaal ah sharciga kubada cagta ee Somaliland waxaa ku qoran Xidhiidhka Kubada Cagtu wuxuu awood u leeyahay in wadamada jaarka ah inuu la xidhiidhi karo oo wada shaqayn ka dhaxayn karto, markaa arimaha saxaafada la marinaayo ee buunbuuninta ah ee wargeyska Saxansaxo sida khaldan udhigaayo waxba kama jiraan, Wasiirkuna muu soo casuumin Wasaaraduna shaqo kuma lahayn, shaqadan waa shaqo laba xidhiidh ka dhaxeeya siyaasadna maaha, waa markii labaad ee aanu casuuno xidhiidhka Kubada Cagta Somaliya runtiina waxyaabo badan ayaa iskaga kaaya xidhan sidaa awgeed ayay ku yimaadeen halkan, waxyaabo badan ayaanu ka wada hadalnay insha allah waxyaabahaas aanu ka wada hadalnayna waxaa laga yaaba inay si dhakhso ah u hirgalaan ayuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyay
Samatar Maxamed
Geeska Afrika