Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Burco Airport, Siilaanyo Iyo Ina-Xaashi by Ahmed Jama Hure


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 03, 2012
Burco Airport iyo Wasiirka Duulista maxaa Siilaanyo isugu daawanayaa? Madaxweynaha ayaan daacad ka ahayn

Burco
Airport iyo Wasiirka Duulista maxaa Siilaanyo isugu daawanayaa?  Madaxweynaha ayaan  daacad  ka ahayn dhismaha madaarka Burco wataa sababtu.  Labadii sanno ee uu xukunka hayay maalin keliya toos ugama hadal. Hadalka keliya ee Burco maqashaa waa ka wasiirka, isaguna Nabarada Burco ku yaal ayuu sii damqaa. 

 

Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane Oon doonahayn in

aad heshana, daa’in abidkaaye Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne, Dilla malaha aakhiro haddii loo kitaab dayo e.

 

Dadka reer Somaliland ee Qurba-joogta ah, 60% waa reer Burco. Diyaaradaha taga Somaliland, 75% rakaabka saarani waxay ku socdaan gobolada bariga Somaliland ( Togdheer, Sanaag iyo Sool). Laga soo bilaabo wakhtigii gumaysiga Britishka, Burco ayaa ahayd Xuddunta  ama badhtamaha isu socodka  dadka Somaliland ( Airplane, Buses, Taxis and Lorries).  Haddii caddaaladi ka jirto Somaliland oo mashaariicda horumarka lagu daboolaayo baahida jirta,  Burco waxay xaq u leedahay Airport u dhigma London Heathrow ama Frankfurt-am-Main Airport.

 

Gabaygii Salaan Arabay ayaa Burco Idaacadda BBC-Somali  uga dalbanaysaa Siilaanyo iyo Mahamuud Haashi:

 

1.Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu
2. Xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoobay
3. Ayaa Habar Xabuushay ninkii xiidka la i mooday
4. Guuraha xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay

5. Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday
6. Guutada xamaaska ah sidii Xabasho duullaana
7. Xaddigaa ogeydeen ninkaan xaadir uga yeelay
8. Xildhibaanka Nuur Maxamadkaan kala xadhkaynaayay

9. Xidhkii odayadheerood marki rag is xiniin taabtay
10. Xaraamigii Olol markuu xilafur kaw siiyay
11. Waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lehe
12. Xarbigii shisheeyaha ninkaan xeebashada diiday

13. Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane
14. Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge
15. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
16. Xaasha´e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

17. Doonyuhu xawaal kuma socdaan xeelli karameede
18. Hadduu xananyar leeyahay ayuu xolad hulaaqaaye
19. Farasna wuxu xakama diid noqdaa kolu xaraamaaye
20. cidluunbaan xayuugnahay sidii xuunshadi Gubane
21. Xeegada hadaan dhalin lahaana xoog madaan ahaye

22. Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
23. Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato
24. Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jara´e
25. Raguunbaan xisaab talo aqoon xiinna loo diraye

26. Xikaayo iyo baaneba anaan xaraf i seegayne
27. Nin Xukaantu wada naadisoo xaadsadaan ahaye
28. Xafiiskii magaalada wixii xaalad iga gaadhay
29. Xabsigii cadaawaha ninkan xaalan uga saaray

30. Xoolaha markay timi ninkaan xulayey Geelayga
31. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
32. Xaasha´e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

33. Xoontii walaalaha ahayd xodayadii faayo
34. Xarago qaadadkii Suub markay xiito ololaysay
35. Dartiis baan xanaaq ugu lurriyey xaasidkii Buqule
36. Cabdigii xaruuriga ahaa kamaan xishoonayne

37. Xawdheerta goortaan la baxayna Xaashibay garane
38. Bah reer Dood xigtay ku ahayd kumana xaalayne
39. Hadduu Xaashi curadkii ahaa maba xilsaarayne
40. Xaaskiisa waatuu u raray xididki goor jaane

41. Xinjirtaan wafoobine kolkay xuurtu kor u yeedhay
42. Xisdii inaanan kaa galin tolkaan xog ina moogayne
43. Xasan Nuurna way marag haddii rag isu xaydnaaye
44. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
45. Xaasha´e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

46. Nimankaan xanaanada lahyn Xaawa iyo Aadan
47. Xigaala an tabacaday Reer Jibriil xarawigii raacye
48. Waayadan xayaad lama kaftamo xaashir nololeede
49. Qasaalkii Xaddiyo kaa dhacaad xinif lahaydeene

50. Xuska dhalasho waa kula sinaa xilase kaa yeelye
51. Xiiraaga goortaan la dhacay xaasil kibirkiiye
52. Ogoobey xidaayadi dartaa kuma xoroowdeene
53. Ninkaygii xortaba kaa dhigaad ximi tidhaahdaaye

54. Xidaar baa khaliqigu ii yaqaan xay iyo maamuse
55. Xamdi baaba lay wada naqaa xeeb haddaan tago´e
56. Sida xayska roob buu nafluhu ii xiddigiyaaye
57. Ooduba xirsiga reerka way bela xijaabtaaye

58. Hadii aniga lay xidho Rabbaa xugunki meel yaale
59. Adiga oo xabeebsaday intaad kun igu xaydaanto
60. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
61. Xaasha´e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

62. Xintifaalo doqoneed nin ragi waa xaasiliyaaye
63. Xubadaan idiin dhaqanayey baad igu xujeyseene
64. Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu xilateene
65. Ragbase kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe

66. Xawlal mariiddada mergiga xididadays oojey
67. Feedhaha xidhiidhsamay lafahan xuubku ka idlaaday
68. Jidhkaygii xariirta u eekaa xaaluf quruxdiiye
69. Haduun baan xaraarugay sidii Xamilgab-awryaale

70. Xafta waxaydin ii laba listaan xooxdi la i maalye
71. Ifka intaynu xay nahay hadaynu xiiso kala waynay
72. Aakhiro Rabaa inna xukumi xaqa inoo yaale
73. imikaan nabsiga kuu xaddilan xaynka kuu sudhaye
74. Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye

 

 

 

 

Ahmed Jama Hure

ahmedsoleman@tiscali.co.uk

London

 

 

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.