(London-HNW) Xoghayihii arrimaha bulshada danyarta ah ee urur siyaasadeedka Ummadda Axmed C/kariim Ducaale (Walhad) ayaa iska casilay xilkaas iyo xubinimadii ururka gabi ahaanba, sidaana wuxuu ku sheegay warmurtiyadeedkii uu isku casilay oo nuqul kamid ah uu soo gaadhsiiyay isagoo ku sugan waddanka Denmark. Wuxuuna u dhignaa sidan.
 Xoghayihii arrimaha bulshada danyarta ah ee urur siyaasadeedka Ummadda Axmed C/kariim Ducaale (Walhad) Oo Ka Baxay Ururkaas |
|
Ku: Gudoomiyaha ururka umadda Dr. Mohamed Abdi Gaboos
Ku: Gudida fulinta ururka umadda J.sl.
Ku: Golaha dhexe ee ururka umadda J.sl.
OG: xoghayanta ururka umadda J.sl.
Ujeedo:
Iscasilaad:
Ugu horayn waxaan halkan kasalaamayaa dhamm aan madaxda iyo xubnaha ururka umadda. Intaas kadib aniga oo ah xoghayaha arrimaha
bulshada danyarta ah ee ururka umadda, Magacayguna yahay Axmed C/kariim Ducaale (Walhad) waxaan halkan ku caddaynayaa inaan maanta oo taariikhdu tahay 3/7/12ka aan gebihaanba iska casilay xilkii xoghayanimada ururka umadda iyo weliba xubinamadii golaha dhexe ee ururkaas, kadib markii aan u adkaysanweyney aniga taageerayaasuba caqabado naga horyimi awgeed,kuwaasoo naga soo wajahay
dhinaca hogaanka ururka taasoo hadaan yare iftiimiyo ay ugu weyntahay wada shaqayn la aan aniga iyo taageerayaashayadba na qabsatay, anigoo marar badan isku dayay inaan arintaa waxka qabato balse aysuuroobi weyday inaan ku guulayasto, tusaale ahaan waxaan isku dayay inaan isku xidho taageerayaashayda iyo ururka balse waxaa arintaas marar badan sabab aanan garanayn uga war wareegey Gudoomiyaha ururka umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. waxa xusuus mudan anigoo iminka mudadii udamabaysay kusugan dalka debediisa,
gaara ahaan wadanaka Denmark ,isla markaana xidhiidh joogta ah iyo wadashaqayn buuxda kula jaan qaadayey gudaha dalka, ay taageera yaashayada oo ubadan gobolka sanaag gaar ahaan D.Ceel afweyn iyo Ceerigaabo ay ilaa iyo maalintii ururka la aas-aasay heegan ugu jireen sidii ururku uguulayasan lahaa iyagoo qayb libaax oo aan ladafiriri karin kaqaatay arintii madax taabashada ee ururadu kusoo bexeen taasoo Gudoomiyaha Ururka Dr. Maxamed abdi Gaboose markhaati kayahay.hadaba markii aan arinta rogrogey markii aan marar badan isqanciyey,markii aan latashaday taageryaashayda, markii aan garwaaqsaday inaanan arinta waxba kaqaban karin gudoomiyuhuna arinta uarko wax iska fudud, waxaan go aan saday inaan ku dhaqaaqo iscasilaadan kor ku xusan, taagerayaashayadana ula guuro hadaba halkii aanu u,aragno inay danta dalku kujirto ilaahyna towfiiqda ha ina waafajiyo.
Waad mahadsntihiin
Hadhwanaagnews.
London/Office