Hargeysa(HWN):- Dood cilmiyeed ku saabsan kootada dumarka sida gaarka ah loogu xidhay inay kaga qayb-galaan doorashooyinka Dawladaha Hoose ee soo socota ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadda oo ay soo agaasimeen Dallada Haweenka Ee Nagaad ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Cadaalada Ee Somaliland Mudane Xusseen Axmed Caydiid, Mudanayaal ka socday labada gole ee baarlamaanka, Gudoomiyaha fulinta ee isku
xidhka Nagaad Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dallada Nagaad.
Caasha Xasan oo ka tirsan saraakiisha Nagaad oo halkaa ka hadashay waxay si kooban uga warantay ajandaha shirkani iyo waxyaabaha diiradda lagu saarayo caawa waxaynu iskugu nimid arrimaha kootada haweenka Somliland sida gaarka ah loogu qoondeeyey waxaana aan idiinka mahad celinaynaa sida qiimaha badan ee aad noo soo ajiibteen ayey tidhi Marwo Caasha Xasan.
Cabdi Cabdilaahi oo ah agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu faah faahiyey siyaasadda Dawaladda Somaliland ee ku aadan hormarinta dumarka gaar ahaan ka qaybgalka siyaasadda iyo talada dalka siyaasada xukuumadda Somaliland waxay tahay inay taageerto isla markaana taabo galiso ka qayb-galka dumarka ee siyaasada ee golayaasha qaranka.
Agaasime Cabdi Cabdilaahi waxa u ka warramay xuquuqda ay dumarku u leeyihiin inay ka qaybgalaan Masraxa siyaasadda anigu waxaan qabaa in loo ogolaado inay dumarku ka qaybgalaan arrimaha siyaasada.
Macnuhu maaha nooga kaca kuraasta balse waxay dumarku leeyihiin wixii aanu xaqqa u lahayn naga siiya talada dalka ayuu yidhi Cabdi Cabdilaahi.
Waxa iyana madashaasi ka hadashay agaasimaha fulinta ee Nagaad Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed waxaanay ka warantay kootada sida gaarka ah loogu qoondeeyey dumarka iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxay yidhi dadka ugu tirade badan ee codeeya waa dumar kaliya.
Sidoo kale warbixin ay halkaasi ka akhriday waxa ay ku sheegtay inay dumarka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka Somaliland kala yeesheen kulamo kala duwan isla markaan ay ka soo bexeen kulamadaasi wixii ka soo baxay Golayaasha Baarlamaanka walina aanay ka soo bixin gacanta mudanayaasha Baarlamaanka.
kulamadaasi aanu la soo qaadanay Madaxweynaha iyo dadkii ay arrimahaasi khusaynayeen wixii ka soo baxay waxaanu u gud-binay Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayey tidhi.
koley caawa waxaanu halkan u fadhinaa inaynu doodaasi is weydaarsano jawaabna naga siisaan meesha ay wax marayaan ayey hadalkeeda kaga baxday Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed Gudoomiyaha fulinta ee Dallada Nagaad.
Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo halkaa ka hadashay waxay sheegtay in aanay muhiimadda kulankani ahayn in dumarka loo danaynayo balse ay tahay sidii ay dumarku dhinacooda uga qaadan lahaayeen arrimaha dib u dhiska dalka iyo hormarinta bulshada.
aniga waxay ila tahay in aanay ujeedada madashani ahayn sidii haweenka wax loo siin lahaa balse ay tahay arrin taa ka sii mug weyn oo ah sidii dalkan iyo dadkan loo badbaadin lahaa iyada oo ay dumarkuna qaybtooda ka qaadanayaan .
Dhanka kale waxay xustay Marwo Edna in aanay Somaliland hormar gaadhayn ilaa ay dumarku qaybtooda ka qaataan siyaasadda dalka maaha inaanu idin leenahay anaga noo baneeya kuraasta balse waxaanu idin leenahay aanu dhinacayaga ka qabano hawsha.ayey tidhi.
Marwo Edna iyadoo hadalkeeda sii wada waxa ay tidhi:-markii dalka la xoraynayey maydaan nagu khasaarin haddana nagu khasaarimaysaan waanad soo ogaateen, arrimah yeynaan Shaadhka iyo Suudhka oo kaliya ka qaadanin waayo idinku waxaad tihiin 50 anaguna waxaanu nahay 50kii kale sidaasaanay wax ku hagaagi karayaan haddii kale waxba hagaagimaayaan, anigu ma garanayo caalamka meel la leeyahay dumarku 2 ba wasiir iyo 2 ba xildhibaan ayey ku leeyihiin golayaasha siyaasadda oo aan dalkeena ka ahayn.
Xildhibaan Axmed Yaashiin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo ka qaybgalka dumarka ee arrimaha siyaasadda annigu waxaan soo dhaweynayaa inay dumarku golayaasha siyaasadda ka helaan wixii ay xuquuq ugu leeyihiin siyaasadda dalka.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Siciid Yaasir oo ka mida mudanayaasha golaha Guurtida waxaanu ka warramay dareenkiisa ku aadan kootada dumarka waxaanu sheegay in aanay dumarku ka sasin arrimaha loo qoondeeyey ee kootada balse ay ka midho dhaliyaan halganka ay ku jiraan.
Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka tirsan golaha Guurtida oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay Ragga iyo Dumaku simanyihiin meelo ay shareecada Islaamku si gaara u sheegtay mooyaane Nabi Maxamed dagaalada marka uu galayo dumarka iyo Ragga midba meesha uu kaga haboon yahay ayuu ku jihayn jiray ayuu yidhi Sheekh Cumar Furre.
Wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu kamid ahaa Guddi uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray doodda arrimaha Kootada haweenka balse wixii ka soo baxay arrimihii Guddigaasi ay horyaalaan Baarlamaanka.
sidii horeyba loo sheegay arrimaha ka qaybgalka ee Dumarku waa hawl qaran oo u baahan in si wadajira looga wada tashado ayuu yidhi Wasiirkuwaxay ila tahay inaanay doodu caawa ka taagnayn yaanay dumarku ka qaybgalin arrimaha siyaasadda balse ay tahay halkee ugu haboon oo aan u marraa ka qaybgalka dumarka ee siyaasadda golayaasha, dumarku waa xoogga ay tahay in laga faaiidaysto dastuurkuna waxa uu ku aas aasan yahay ilaalinta xuquuqda dumarka.
Waxaa iyana madashaasi ka hadashay Sucaad Ibraahim oo ka mida dumarka aqoonyahanda ah ee madashaasi ka qaybgalay waxaanay sheegay inay saaka golaha wakiiladu ka mukhuurteen dooddii la rabay inay ka yeeshaan arrimaha kootada sidaa darteedna aanay sidii ku haboonayd uga soo xaadirin fadhigii golaha ee maanta.
Waxaa iyana madashaasi ka hadashay Gudoomiyaha heer qaran ee garabka dumarka Xisbiga kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye waxaanay sheegtay in aanay dumarku meelo kale ku xidhnayn isla markaan aanay ka amar qaadan cidkale.
raggu iskuma wada jiraane waxaa jira qaar aan waxba noo ogolayn qaarna way noo ogol yihiinayey tidhi Marwo Canab.
Waxa kale oo ay xustay in aanay dumarku ka caqli yarayn ragga maaha inaanu idinka caqli yarnahay ee waanu idinka calool jilicsanahayayey tidhi Marwo Canab Cumar Ileeye.
Guurtida waxaan leeyahay sidii aanu idinka rabnay noogu maydaan abaal marin .
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan oo ah Gudoomiyaha Nagaad waxaany suaal waydiisay Marwo Canab Cumar Ileeye waxaanay tidhi Marwo Canab waxaan waydiinayaa maadaama ay ka tirsan tahay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye bal inay noo sheegto Xisbigeedu waxa uu ugu talo galay haweenka Somaliland.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye [Nacnac] oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu taageerayo isla markaana soo dhaweynayo inay dumarku helaan qaybtooda anigu waxaan idiinku bushaaraynayaa inaanu mar dhaw ka faraxalan doono arrimaha kootada ee na horyaala waanan idin soo gaadhsiin doonaa ayuu yidhi Mudane Nacnac.
Cabdiraxmaan Yuusuf Bulxan oo ah Gudoomiyaha gobalka Maroodijeex ee ururka Dalsan waxa uu sheegay inay dumarku leeyihiin firfircooni ka badan tan ragga ku jira golayaasha siyaasadda.
Waxa isaguna dooddaasi ka hadlay Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed waxaanu sheegay inay dumarku xaq u leeyihiin ka qaybgalka arrimaha doorashooyinka soo socda,Garyaqaan Aadan waxa uu dumarka ku booriyey inay ka daba tagaan Xeer No:20 oo ka hadlaya arrimaha ururrada siyaasadda isu diiwaan galinaya.
Xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha Wakiilada oo dooddaasi ka hadashay waxay sheegtay inay jiraan dhibaatooyin fara badan oo lagu cadaadinayo dumarka isma lihi hadii ay golaha deegaanka dumar ku jiri lahaayeen guryahayaga xashiiska 4ta bilood na horyaalaa muu horyaaleenayey tidhi Xildhibaan Baar Siciid.
yaan la dhayalsanin dumarka ragaw waayo waa xoogg aan la dhayalsan Karin haddii ay idinka horyimaaan.
Waxa Kale oo halkaa ka hadashay Gudoomiyihii hore ee Nagaad Aamina Xaaji Maxamuud [Aamina Milgo] waxaanay sheegtay inay tartanka u siman yihiin dumarka iyo raggu balse aanay u sinayn taageerada qabiilka.
Gabagabadii dooddaasi waxaa soo xidhay Xildhibaan Faadumo Jaamac oo ah gabadha kaliya ee ku jirta Golaha Guurtida waxaanay sheegtay inay si wacan isaga warhayaan isla markaana aanay qiil kale raggu u hayn inay dib isaga moosaan dumarka balse kaliya ay tahay inay doonayaan inay guryaha u fadhiyaan
Doodaasi ayaa ku dhamaatay jawi fiican iyadoo dumarkii goob jooga ka ahaana ay halkaasi su,aalo kala duwan oo ku saabsan waxyaabaha u fududayn kara dumarka kaqayb-galka siyaasada ay isku wey-daarsadeen.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
E-mail:abdiaziiz@hadhwanaag.org