Kampala- (HWN)- Xarakada xooggaga Al-Shabaab ayaa dabolka ka qaaday in ay iyagu ka danbeeyeen masuuliyadda weeraraddii lagu khaarajiyay 17-ka qof in ka badan Konton qof ee kalana lagu dhaawacay ee dhawaan lagu qaaday Kiniisad ku taala magaaladda Gaarisa ee Waqooyi Bari dalka Kenya, sidaana waxa bayaamiyay Sheekh Hassan Takr oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sheekh Hassan waxa uu xusay in ay Xarakadda Al Shabaab ay ku fulisay weerarkaas oo ay ku
dishay dad caabudayay Ilaahay qayrkii waa siduu hadalka u yidhiye oo Kiniisad ku jiray..
Sheegashada Al-Shabaab ay ku qiratay masuuliyadda weerarkan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ay ku qirtaan masuuliyadda weeraro laga beegsado gudaha dalka Kenya, tan iyo intii ay ciidamadda Kenya galeen gudaha dalka Soomaaliya, xilligaas oo ay si is daba joog ah u soo kordhaysay Hanjabaado iyo digniino ay Xarakadda Al-Shabaab u soo jeedinaysay dalka Kenya.
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Soohaad10@hotmail.com
Hadhwanaagnews/Office
Kampala/Uganda.