Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hadii Aan Udub Ka Sii Mid Ahaado Iyo Hadii Aan Xisbi Kale U Digo Rogtoba Waxaan Idiin Cadaynayaa Inaanan Shilin Danbe Oo Lacag Ah Bixin Doonin, $300,000 Ee Udub Ayaaba Dhibaato Nagu Ahaa Mise Waa $1.5 Milyan -Jamal Ali


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 03, 2012
Hargaysa-(HWN)- Musharaxa doorashada Madaxtooyadad ee Xisbiga UDUB Jamaal Cali Xuseen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay

Hargaysa-(HWN)- Musharaxa doorashada Madaxtooyadad ee Xisbiga UDUB Jamaal Cali Xuseen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe la saxeexan doono Heshiis uu ku siinayo lacag lagu qadaray $1.5, kaas oo Sheegay inaanay dib u dhici doonin inuu lacag ku bixiyo Musharaxnimo, isla markaana khalad dhacay ku sifeeyey $300,000 shuruuda looga dhigay Musharxnimada Xisbiga UDUB.   

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah

oo uu shalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga xogwaramay halka ay marayaan wada-hadaladii lagu dhexdhexaadinayey labada garab ee xisbigooda UDUB, isla markaana sheegay inay Waan-waantaasi gabo-gabo ku dhawdahay.
 

Sidoo kale Jamaal ayaa tibaaxay in hadii Khilaafka kala irdheeyey xisbigooda xal waara loo waayo in isaga iyo taageerayaashiisa xisbiga UDUB ay ka tashan doonaan halka ay u digo-rogan doonaan oo Axsaabta kale midka ay dan u arkaan ay Cududooda ku Xoojin doonaan.

 

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya lacagtii shuruuda looga dhigay xisbiga UDUB ee u loogu doortay Musharaxa, waxa uu yidhi “Lacagtii Musharaxiinta UDUB shuruuda looga dhigay waxa ay ahayd mid dunida oo dhami wada ogayd oo aan cidna ka qarsoonayn, isla markaana la shaaciyey oo lacagtaas hore ayaaba khalad ahayd, laakiin waxaan kuu cadaynayaa oo aan bulshadda sharafta leh ee reer Somaliland u sheegayaa in Xisbi kale hadii aan galo oo aan ka digo rogto UDUB iyo hadii aan joogoba inaanan Shilin danbe oo lacag ah bixin doonin”.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray “Markaa ujeedada hadalkaygu waa inaan bulshadda u sheego Hadii aan UDUB ka sii mid ahaado iyo hadii aan Xisbi kale tagnoba inaanay dib u dhici doonin inaan lacag danbe oo aan bixiyo, Meelkasta oo aan tagana waxaan la tagayaa Shakhsiyadayda iyo Kalsoonida Taageerayaashayda. Waa wax lala yaabo marka la leeyahay $1.5 Milyan ayuu Jamaal Cali Xuseen Xisbi siinayaa meel ayaa Sumcadaydii looga dhacay, sababta oo ah $1.5 Milyan wax fudud yaanay idinla noqonin, $300,00 ee shuruuda looga dhigay Musharixiinta UDUB ayaaba dhibaato nagu ahaa mise waa $1.5 Milyan.

 

 Waar Walaal Ha iga dhigina nin lacag Damaciisa Siyaasiga ah u adeegsanaya, waxaan jeclahay inaan Shakhsiyadayda iyo dhaqankayga ummaddayda ku kasbado oo aan si caafimaad qabta ugu sheego waxa aan u qaban karo”.

 

Musharaxa doorashada Madaxtooyadad ee Xisbiga UDUB Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey halka uu marayo khilaafkii xisbigoodu, waxa uu ku jawaabay “Wali kamaanu rajo beelin UDUB oo wada-hadalo iyo waan-waantii socotay gabo-gabo ayey ku jirtaa, markaa haday suurta gasho-na waa khayr hadii ay suurta gali waydana aniga iyo Taageerayaashayduba halkii aanu dan u aragno ayaanu u digo-roganaynaa, markaa waxaan wali taaganahay halkii aan taagnaa Waraysigii ugu horeeyey ee aan bixiyey”.      

 
Dhinaca kale mar aanu Wax ka waydiinay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen sida uu u arko Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee wakhtigan, waxa uu noo sheegay inaanu doonayn inuu arimahaas ka hadlo wakhtigan, kaas oo ku sababeeyey inuu kaga mashquulsan yahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka kala Irdheeyey Xisbiga UDUB, waxaanu noo sheegay inuu arimahaas Wargeyska haatuf  uga warami doono dhawaan.

Hadhwanaagnews/Office

Kampala/Uganda.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.