Marka hore waxaan salaamaya dhamaan shacabka
Somaliland meel kaste ooy joogan dunida oo dhan calankeena 52 jir saday in kaste oo uu soo maray duruufo badan .hadana calankaas Rabi ina siiyey waynu ku badhaadhney hadii aynu nahay ummada reer Somaliland
Wuxuu inaga bad baadiyey dhibaatoyinkii qul- qulayey ee ka jirey dalalk Africa iyo aduunyada ,calankan inta caruur wax inoogu baratey ciida kabadan. Rabi ha inoo barakeeyo ,hadaba calankan dad ayaa dadaal lasoo maray waana cisadeena hadaba shacabku waa calanka .calankuna waa shacabka .hadaba anigu waxaa naftayda iyo idinkaba idin kula dar –daarmaya shacabka reer Somaliland oow inaynu noqono dad wadajira oo
meel qudha kaso wadajeeda .dadaala jecel ruuxa dacada ah ee wadanka wax u qabanaya.yaan maskaxdeena la isku qaraacin manta halkaa maynan joognen hadii aynu nahay dad la xisaabtamaya siyaasiyiinta ka been abuuranaya qabiilka ee caruurtooda iyo naftooda dalka ka horu marinaya indhahana inaga ridaya.somaliland idinkaa doortay idinkaana horumarinka ,dhisikara ,duminkara shacabka qof kasareeyaa majiro .somaliland waa ilmihiini idinkuna Somaliland ayaa tihiin.shacab kaliya ayaa tihiin. Gabayga soo socda ayaa idiin sharxi wax badan.
Calan keena quruxda leh
Casankiyo cagaarkiyo
Cadaankad arkeysaan
Cilmibuu ku dhisan yahay
Cadil baa ku qoran oo
Cishadii lataaga
Cirka roob kaday oo
Caraduba iftiin too
Cadaladu bilamantay
Calan qarana weeyan
Cidu ay usiman tahay
Calan kad arkaysaan
Ciyaar laguma helin oo
Cidamaa naftoodi
Cadaabaha lasoo maray
Cidamaa ku janotagay
Cidamaa difaacaya
Cadaawaha kacelinaya
Calan kayga quruxda leh
Cishadii u dhashaybaa
Ciqabtii istaagto
Cadgoosigi ladhaafo
Cudurki bisladoo
Caafimadki uu curtay
Calan kayga quruxda leh
Cadil igama qaado
Cadaw igama siiyoo
Ciilna iguma beere
Cadifkii na jiidhe
Calankena bixiyan
Ciil kaan biyaayo
Cadhodii la ooya
Caruurtiyo ciyaalki
Cirooluhu dhamantod
culimada kol ay tahay
Calamkeena oo idil
Caadil waw shugriyayan
Calankenu soo celshay
Calankenu waa khayar
Ciidisu waa dahab
Cidna lama so aalayo
Calan nabada ah weyan
Cidna aan duqayneyn
Cafiyeeynin cadawgana
Cadawgiyo shisheeyaha
Cudud sheeganaayow
Cidad donto nooken
Cidu way difaaciye
Calankoda hooyad
Ceebna way ku raaciyeh
Cadaw iyo shisheeyaw
Cindigaagu yuu galin
Ciyaar baad ku qadani
Cadifadii dhamaato
Cadaban usoo maray
Calankeyga quruxda leh
Caadil uu ku qoran yahay.
Nasir x.ciise(ina geeljire)
Cardiff uk
nasirgeeljire@yahoo.com