isla beesha Biciide Yoonis oo degta Sanaag iyo sool ayaa waxaa ka muuqata in dawladii ku guuldaraysatay in dhulkaa wax laga qabto ama xidhiidhba lala yeesho.
Sidoo kale waxaa sii badanayaa suluuga, iyo kalsooni darada lagu qabo dawlada Siilaanyo , waxaana u daliil ah shirarka iyo baaqyada ka dhacaya dalka, sidoo kale waxaa illaa hada socda shir weynihii ay isugu timi Beelwaynta habaryoonis oo ka socda Daalo, runtii inkastoo Beeshu ku sheegtay shirkan Dan beesha ah, hadana waxa soo dedejiyey waa Nadaamka dalka ka taagan. Dawladuna waxay isku dayday in ay joojiso laakiin nasiib daro, waa ku guuldareysatay iyada oo raali ka ahayn baa xoog lagu qabtay, markaasay wasiiradeedii is daad raaciyeen, iyaga oo ku tiraabaya in ay HY ku kalsoon yihiin.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo maanta leh dheg qudha oo wax ka dhegeysta 2 ilaa 3 wasiir, ayaa u muuqda mid gabay in uu isku hayo dhamaan beelaha Somaliland, xitaa beesha uu kasoo jeedo ee HJ oo gilaysay xoog iymaalba si uu madaxweyne u noqdo ayuu maanta u kala qeybiyey Qansax iyo qudhac.
Sidoo kale waxaa hore shir u qabsaday beesha Cise Muuse shirkaasoo oo uu buuq badan, ugu danbeyntiina kusoo gabagaboobay guul.
Sikastaba ha ahaatee hadii umadii reer Somaliland sanadkan 2012 u noqotay halkii ay taagneyd 1995-96 oo shirbeeleed loo dhaqaaqay ilaa hadana la layahay cid dawladan afgarata , Doorashadii deegaanka ay ku muuqato dib udhac, La fuushan yahay gaadhi Somaliweyn oo la qarinayo, muxuu xaal noqon, allow na samato bixi adaa awood leh.
C/qani Cawed Kaarshe
Kaarshe2013@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga