gobolada Sweden iyo daafaha qaaraddan Yurub iyo walinb North Amerika ayaa waxeey ku biloowdeen jawi aad u dagan .

Ugu horeyntii ayaa waxaa tartankan SEUKI 2012 lagu furay aayadaha quraanka oo uu halkaa ka akhriyey Ganeey ( Qaaloo ) ka dibna waxaa warbaahiyaha lagu wareejiyey Gudoomiyaha cayaaraha xagaaga SEUKI 2012 ee sanadkan Gudoomiye Cabdi Casiis Xuseen Cigaal ( Daalo ) isagoo ka warbixiyey wax qabadkii ururka ee sanadkan 2012 , waxaa ka dib hadalkii qaatay maamulaha xawaaladda Dahabshiil mudane Maxamuud Sheeikh Ibraahim oo isna dadka u sheegay howlahooda la xiriira xawaaladda iyo service ka ay shirkaddu u heeyso macaamiisheeda , sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay taliyaha poliska degmooyinka J�rva Mr Erik oo isna halkaa u rajeeyey in ay cayaaro wanaagsan ka dhacaan isagoo sidoo kale sheegay in Polisku ay dhiibi doonaan koobkii looga bartay sanad walba ee fairplay cup oo sanad walba la siiyo kooxda ugu akhlaaqda badan inta uu tartanku socdo , waxaa isna halkaa laba kalmad ka jiideiyey musharax ka mid ah tartamayaasha madaxweeynaha Soomaliya mudane cabdiraxmaan oo ka yimid cariga Canada , ugu danbeeyntii ayaa waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiye Cabdulqadir Yusub ( daauus ) oo ah guddmiyihii hore ee ururka Somaliweek ahna guddoomiyihii soo af jaray khilaafkii baahsanaa ee ka jray dalka UK isagoo sameey tanaasul uu uga tanaasulay ururka Seria A .

Waxaa cayaartii koowaad ee furitaanka oo shalay dhibcaha caadiga ah uu barbar socday koob lagu xusayey maalinta soomalida ku weeyn ee 1 July ahna maalintii aan qaadanay calankeena buuluuga ah ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Sonpet oo ka timid dalka Finland iyo Somali United oo ka soctay magaalada Stockholm , caayrtan oo ay ku gacan sareeysay kooxda Somali United ayaa waxeey 2-0 uga badsay kooxda Sonpet waxaana halkaa koobkii ku gudoonsiiyey cabdulqadir soomareey oo ah oday Sportga ku soo dhex jiray muddo aad u dheer.

Dhanka warbaahinta ayaa shalay waxaa halkaa ku sugnaa TV yada ay ka midka yihiin Somali Channel , Universal , Home cable , iyo wabsate yo farabadan.

Dhanka madadaalada ayaa waxaa sanadkan ururka u haya DJ Xasan Wuqooyi waxaana goobta shalay maaweelinayey al fanaan Cabdi fitaax Legend iyo fanaan Cali Najiib.

Cayaarahan ayaa waxeey shaalay ku dhamaadeen si caadi ah oo aad u deggan.




















Cabdirashiid Shaam
Xafiiska Hadhwanaagnews Germany
shaamabdi977@msn.com