Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Jawaab Gaboose ma Somalilander baa mise waa reer Mudug by Xamse Zakariya


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 04, 2012
Dhamaan waa salaamantiin Hadhwanaagnews

Dhamaan waa salaamantiin Hadhwanaagnews
Jawaab gaaban oo ku socota luula Abdi mowduuca ah Gaboose ma Somalilander baa mise waa reer Mudug.
Somalilander saacado laguma noqdo adoo gaboobayna lama noqon karo
Gaboose Somalilander maaha!!! Waxaan ku cadeynayaa dadku waa halka ay ku koraan uun.
Ta kalena oo aannu Somaliland ku noqon karini waxa weeye Mohamed Siyad Bare dhakhtar khusuusi ah kamuu dhigteen nin reer waqooyi ah oo weliba Haber Yonisa. Sabatoo ah dilka afweyne HY

buu ku bilaabay markuu Mohamed ceynaanshe diley cuqdad fara bandanna waa loo geliyey siyad bare reerka HY la yidhaa oo weligiina dhakhtar aannu hubin I dawee muu yidhaahdeen. Sidaa darted gaboose Somalilander kuma noqon karo ee waa reer Mudug.
Caruurta Somaliyeed ee  iminka Europe ku korta ama North America, waa la wada ogyey in ay muqaalkana Somali ka yihiin dhaqankana ay dalalka ay ku dhasheen ay ku koreen leeyi hiin. Gaboose waa sidaas oo kale oo xitaa haduu riyoodo Gaalkacayo iyo Xamar buu ku riyoonayaa oo dhiiga kaga jira. Koofur ayuu gaboose ku dhashey ilaa dhowr iyo afartan jir kiisina uu joogay oo markii uu afweyne ka yimi waqtigii kala yaacii ayaa waqooyiga uugu horeysey. Sinaba dhaqankiisa iyo ficil kiisu iyo hamadiisa MUDUG oo uu ku dhashey uugama bixi karto.
Anigu DR Gaboose xamar baannu isku naqaanay anoo shaqqla ka ah oo weli maan arag isagoo meel reer waqooyi joogo cagaha dhigay. Xiligaa Gaboose reer waqooyiga ajanabi ayuu u arkaayey welina waxaan aamin sanay in uu sidii uun u heysto.
Gaboose markuu ardeyga ahaa in Badan buu ku soo korey guriga Ismail Ahmed Ismail oon markhaati ka ahay, oo aabihii oo kale ayuu ahaa. Hadana mar Ismail Axmed Ismail Hargeisa yimi Dr. Gaboose kama hor wareegin ilaa lagu qeyliyey oo la yidhi inan gumeed baad tahay ee orod soo salaam waa aabahaa oo kale e.
Dhaqankiisu waa kaa oo ka turjumaya inuu reer Mudug yahay oo aannu dhaqan Somaliland lahayn.
Aniga oo ah nin aanay Gaboose isku reer ahayn oo weliba reer kayaga iyo kiisu aan wax xumaani u dhaxeyn hadana waan ka adkeysan waayey in aan jawaabtan ku taageero gabadha soo qortey Gaboose ma Somalilander baa mise waa reer Mudug … Waxaan leeyey ninkii Dr Gaboose Somalilander moodayow waad qaldantey. Reer ahaan wuu yahay laakiin waa nin ka shisheeya kuwa koonfur ku dhashey oo weliba cadho badani u dheertey oo ah maxaa madaxweyne lagaaga dhigi waayey.
Wa salaamu caly kum
Xamse Zakariya

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.