Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi oo siyaasadeeyay gurmadka abaaran la dagaalanka by Mohamed Ahmed Abdi


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 04, 2012
Waxaa wax laga xumaado ah in kooxda dibadwareega ah ee Qurbomeer State ay si dadban ay isugu dayayaan in ay horjoogstaan

Waxaa wax laga xumaado ah in kooxda dibadwareega ah ee Qurbomeer State ay si dadban ay isugu dayayaan in ay horjoogstaan gurmadka abaaro la dagaalanka ee qurbajooga Awdal, Salal iyo Gabiley ay ugu gurmanayaan dadkooda dhibaataysan. Waxaa week end la soo dhaafay boqolaal telephoon diray qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi Nuur iyo gacanyarahiisa sakhraan Saleebaan Cabdi Dugsiye iyagoo dadka ku boorinaya inaanay wax kaalmo u dirin Awdal, Salal iyo Gabiley waayo waa sida hadalka ay u dhigeen eh lacagta waxaa doorasho ku galaya beesha Saylici iyo


xisbiga Kulmiye.
Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi Nuur iyo sakhraan Saleebaan Cabdi Dugsiye run ahaantii dhib badan ayay u geysteen dadka Awdal, Selel iyo Gabiley. Horta siiba sakhraan Saleebaan waxaa ka go´an inuu isku diro dadka walaala ah ee wadan degen galbeedka Somaliland. Mar walba waxaa sakhraanku sitaa sawiro dadkii lagu laayey Semaal oo marwalba u boorsada kasoo saaro marka uu raadinayo fundraising. Garoob kasta oo boorsada ku dhegta oo lacagta hor ka siin wayda wuxuu sakhraan Saleeban indhaha kaga dhiftaa sawiradda marxuumiinta Semaal isagoo leh sidaasa la inoo leyn hadaad lacagta keeni weydo. In dad dhintey sawiraadooda lagu qaraabto run ahaantii waa wax somalinimada, islaanimada ka baxsan laakin ceebi ma joojiso Qurbomeer Statee.
Ceebtii ceeb ka weyn ayay Qurbomeer State ku jiraan iyagoo maanta ku jeestaynaya dadka abaaraha. Dad soo wariyay telephoon uu usoo diray sakhraan Saleebaan ayaa sheegay inuu ku yidhi lacagta Saylici u diraysaan siduu Kulmiye ugu wareejiyo waxaa dhaanta inaad Rashiid sisaan si uu Muqdishu ugu noqdo oo uga qaybgalo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee wakhtiga kalaguurka ee TFG. Sakhraanka waxaa uga muhiimsan dadka haraadku laayay in lacag Rashiid ku mashaaxo Muqdishu la siiyo. Horaa loo yidhi timirtii horaba dad loo la´ ee maxaa laga hayaa safaradii hore ee Qurbomeer Rashiid. Wadahadaladii Dubai iyo London, Qurbomeer State way ka maqnayd. Shirarka RoadMap ee Garowe iyo Nairobi Qurbomeer State way ka maqnayd. Shirka Ital Qurbomeer State way ka maqnayd. Qurbomeer Rashiid oo nolosha ka dhacay oo Ottawa Citizen u xamaalaya hadana sheeganaya madaxweyne marka masuulada maamul goboladeedyadu ay Nairobi ku shirayaan, ninka waxba ahayn ayuu sakhraanku dadka haraadan ka doodbiday in la caawiyo. Maana waalan mise cadan ayaa laga heesayaa
Waxaa dumarka ka soo jeeda Awdal, Salal iyo Gabiley ka codsnayaa inaanay dheg u dhigin telephoonada sakhraan Saleebaan iyo qurbomeer rashiid oo ay dadkooda caawiyaan. Waa bil ramadan ee hala ogaado
Mohamed Ahmed Abdi
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.