Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dooda ku saabsan jaceylka ma guurka hortiisa msie waa guurka ka dib By:(Amiin Aadan Maah)


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 04, 2012
shuruud la’aan kuma xirna inta ay la’egtahay hantida uu qofku heysto, nasabkiisa, bilicdiisa iyo jinsiyadiisa, waa

shuruud la’aan kuma xirna inta ay la’egtahay hantida uu qofku heysto, nasabkiisa, bilicdiisa iyo jinsiyadiisa, waa sheey dabeeluhu wataan oo qalbiyada jiira.

 

Hadase waxaa jira mid nuxurkii laga qaaday oo maanta ay wax kasta dadka uga sahlantahay in qof lagu yiraahdo “waan ku jeclahay” iyadoo aanan la fahamsanayn micnihiisa dhabta ah, hadane waa dareen jira oo si guud loo wada aaminsanyahay, Cilmi Boodhari iyo Hodan ayaa tusaale wanaagsan u ah Jacaylka Soomaalida dhexdeeda.


justify">Hadaba Qof Waliba waxa uu Jecel yahay in Noloshiisa uu Farxad Bash Bash iyo Nolol Macaan ku noolaado ,balse Noloshaasi Macaan yaa heli kara ayaa Isweydiin Mudan.

Noloshaasi Macaan waxaa heli kara Qofka guursada Qofka uu Dunida ugu Jecel yahay iyana Jecel Wiil ama Gabar ciduu doono ha ahaadee, qofkaas ayaaana ka guuleesan kara in uu ka gudbo nolosha buuqa iyo Qilaafka badan ee hareeya inta badan lamaanaha aan Jaceylka isku guursan.

Hadaba qofka aad jeceshahay in aad guursatid waa adigoo nolosha ka gaaray hadafkii aad ka lahayd, wuxuu qofku ku helayaa qaneeco iyo niyad wanaag inta noloshiisa ka dhiman sahay u noqota, ogoow sida aan ugu baahanahay in aan caloosha quudino ayuu qalbiguna u baahan yahay qaneeco iyo laga haqabtiro waxa uu u baahanyahay, illaa inta aad ka qancineysid qalbigu waa oo mane (haraadsane) una baahan in uu helo qofka uu aduunka ugu jecelyahay.

Ima aamineysid hadii aan kugu iraahdo jacaylka wuxuu ku gaarsiiyaa heer qofka aad jeceshay aad uga ba’do in aad sariirta la wadaagto marka aad is guursataan adigoo niyada iska leh waxyeelo ayaa ugu sugan, jacaylka waa loo waashaa, waa loo dhintaa, waa loo cuqdadoobaa waana loo xanuunsadaa, laakiin dad yar ayuu heerkaasi gaarsiiyaa jacaylka, in baddana iyagoo bukaan socod ah ayay noloshooda iska sii wataan haddii ay waayaan qofkii ay jeclaayeen In yar oo raga ka mid ah ayaa naf hur u sameeya jacaylka, taasina waa sir banaanka taala, dumarkuna waxay ballo ku dhigeen waxba sheegan maayaan,

Ogoow jacayl aanan lagula qabin mirro dhal malahan guurka ka dambeeya, laakiin marka aad guursatid qofka aad jeceshahay, iyaduna ku jecel waa halbeega dhadhanka macaan ee noloshu leedahay, ka fikir subixii waxaad guriga ka baxaysaa iyadoo illinka taagan oo kusoo eegeysa illaa aad ka miriq beesho,

waxaad soo hoyanaysaa iyadoo illinka taagan oo ku bidhaamineysa kuna sugi la’, raashiinkii ay karisey afka meeysan saarin oo adiga ayay kula sugeysaa, marka aad raashiinka cuneysid gacantaada kuguma aamin qabto waxay rabtaa in ay teeda kugu siiso, waxay dadaal kasta u galaysaa in ay qayaasto waxa niyadaada ku jira ee aad dooneyso ee aadan u sheegin si ay kuu farax galiso, marka aad hurdeyso mukulaasha xaafada joogta xitaa waa ogtahay kumana dhacdo in ay hurdada kaa toosiiso.

Dhuumaaleysiga guriga dhexdiisa, tartanka, is amaanida, kaftanka, kilikileynta, maada iyo qosolka, waxaan filayaa kuwiina caloosha jilicsan in ilmuhu soo dhaafeen, ilimee mise murogoow laakiin waxaan kuu sheegayaa in guur farxad la’aan ah uu yahay geed miro la’aan ah, haddii aadan guurkaaga farxad ku heysan waad abuuri kartaa farxada waana waxa ugu sahlan

Ma garanaysaa qof aduunka ugu bakhaylsan? waa kan gurigiisa farxada ka bakhayla marka uu banaanada marayana afka kala haya oo maantoo dhan qoslaya, farxadu sida macdanta dhulka ugu aasantahay oo ay ugu baahantahay in looga soo faago ayay ugu duugantahay quluubta bini’aadamka, gaar ahaan dumarka oo ragooda markasta u haya jacaylka dabiici ah .

Meeqa jeer ayaad shaqada kasoo dhuumatay oo aad xaafada usoo carartay si aad xaaskaaga waqti ula wadaagto, imisa jeer ayaad soo fasax qaadatay, imisa jeer ayaad guriga timid adiga oo gacanta dhabarka kuugu qarsantahay kadibna aad xaaskaaga kaga naxsatay ubax, faraanti mise sheey kale ood ogtahay in ay jeceshahay?, imisa jeer ayaad ku tiri “cuntadaadu aad beey u macaantahay”, imisa jeer ayaad ku tiri “aad baad u qurux badantahay”, mise ogtahay qiimaha ay wax yaalahaasi ugu fadhiyaan iyo wanaaga aad kaga kasban karto.

Haddii intaasi aan soo sheegey oo dhan aanan noloshaada laga helin lab hiin in jacaylka guurka ka hor uu yahay buug bogiisa kore oo kaliya la aqriyey, kan guurka kadibna uu yahay buugii oo aad guda gashay akhrintiisa. Nolosha Macaanteeda waxaad galaysaa markaad guursato tii aad Dunida ugu jecleed rabina kuugu beero Kalgaceyl baarinomo qosol farxad adigana aad sidaas oo kale unoqoto.

Maskaxdada halmar u dir hal Su’aal taas oo ah Gabadha aad jaceshahy markaad guursato iyo inanta adan garaneyn ee lagugu daro sida aad farxad ku dareemi karto ama halka aad xaal kabilaabi laheed habeenka aqal galka kadibna dib u eeg jawaabta ay niyadada kusiiso labadaa qof mida nolosha kumac ? wa su’aal kuu kaligaa jawaabtana adiga isa sii

 

dhago09@hotmail.com      By:  ( Amiin Aadan Maah)

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.