Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


DAAWO SAWIRADDA-Nin Curyaan Ah Oo Aan Lugo Lahayn Oo Gacmihiisa Ku Fuulay Figta U Saraysa Buurta Ugu Joogga Dheer Qaaradda Afrika Ee Kilimanjaro.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 04, 2012
Kampala-(HWN)-Nin Curyaan ah oo u dhashay dalka Canada oo 31 Jir Ah ayaa ku guulaystay in uu gacmihiisa fuulo figta u

Kampala-(HWN)-Nin Curyaan ah oo u dhashay dalka Canada oo 31 Jir Ah ayaa ku guulaystay in uu gacmihiisa fuulo figta u saraysa buurta ugu dheer Afrika ee ku taala dalka Tanzania, ee lagu magacaabo Kilimanjaro, oo qiyaasta dhererka joogeedu dhan yahay 19,341ft.  

Qiyaas ahaan,
Ninkan oo lagu magacaabo Spencer West, oo

ka yimi magaaladda Toronto, oo labadiisa lugood ku waayay xanuun ku dhacay isaga oo Shan Jir ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku qaadatay in uu ku gaadho fuulista figta u saraysa buurtan muddo Todoba cisho ah isaga oo labadiisa gacmood u isticmaalaya lugo ahaan.
Ninkan curyaanka ah ee Mucjisada ah ayaa la sheegay in mudaddii uu ku gudo jiray fanashadan dhibta badan in ay hareeraha ka socdeen koox dad ah oo tiradooda lagu qiyaasay Konton qof oo ay ku jiraan Saaxiibadiisa ay sida aadka isugu dhaw yihiin.
Safarkan la yaabka leh ayaa lagu soo waramayaa in ninkan Curyaanka ah ay ka soo gashay Lacag  tiradeedda lagu qiyaasay Shan Boqol oo Kun oo Dollarka Maraykanka ah oo uu ugu talo galay in uu samafal caawimo ah ku bixiyo.

Mr Spencer West, ayaa sheegay in intii uu ku gudo jiray safarkiisan fananshada ah ee dhibka badan in labadiisa gacmood uu ka yimi dhiig aad u badani.

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

Soohaad10@hotmail.com

Hadhwanaagnews/Office

Kampala/Uganda

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.