xukuumadda lagu qeybiyay inay kaga qeyb qaadato dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada Goleyaasha deegaanka dalka,ayuu yidhi Md. Maxamed Axmed.
Afhayeenku waxa uu sheegay inay ka filayaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland kharashkii ay kaga qeyb qaadan jireen hirgelinta doorashooyinka Somaliland oo dhan 75%.
Waanu ka sugaynaa qaadhaan-bixiyeyaasha dhaqaalihii ay inagu taageeri jireen. Waxaanu ka haysanay balan qaad ah inay doorashadanna ina taageerayaan oo aanay inagaga baxaynin,ayuu intaas raaciyay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinku.
Afhayeenka Komiishanku waxa uu ku dooday inay xubnaha Komishanku ay u kala bixi doonaan goboladda dalka si ay u soo furtaan xafiisyadoodii gobolada wadanka. Markaanu dhaqaalahaasi ka helo qaadhaan-bixiyeyaasha ayaanu cayimi doonaa xiliga ay doorashaddu qabsoomayso.Ayuu yidhi Afhayeenku
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland