Muqdisho Sports-(HWN)- Sida maanta lagu shaaciyya Talafashinka dalka Spain in in Barcelona ay gabi ahaanba diiday in uu la sii joogo laacibkii dib udhaca ukeenay kadib dhaawacyadii kasoo gaaray xili ciyaareedkii ayno soo dhafnay.
Naadiga Barcelona ayaa sheeegtay in uu iib yahay David Vila kuna iibineyso aduun lacageed oo gaaraya 30 Milion oo Euro waxaana durbaba dalab soo dirsatay kooxda PSG ee ka dhisan dalka faransiiska.
black; mso-themecolor: text1">Weeraryahankaani dhaawaca ragaadiyay ayaa loo sheegay in la iibinayo sababta loo iibinayana ay tahay dhaaacyada tira nadan ee soo gaaray owgiis.
David Vila oo kamid ah ciyaariyahanada xulka Spain ayaa ka haray koobkii qaramada qaarada Yurub ee dalkiisa ay ku guuleystaan waxaana uu ugu haray dhaawac dartii.
Barcelona ayaa PSG usheegtay in aysan gor gortan lagali doonin hadii ay keento 30 million oo Euro lagu wareejin doono hadii kale laga iibin doono koohxaa kale ee David Vila doonaya.
Hadalkaan maanta lagu shaaciyay Talafashinka ayaa noqday mid ay dadka aad ula yaaben Barcelonana aanan sida laga fileynin.
Liiska Ciyaariyahanada Xulka Uruguay Ee Koobka Alimbikada oo la soo Saray iyo Suarez iyo Cavani oo Lagu daray
Iyadoo ay fooda inagu soo heyso koobka Olimbikada aduunka ee sanadkan lagu qabanayo daka Britian ayaa waxaa lagu guda jiraa in xulalka koobkaasi ka aqeyb galaya ay soo gudbiyaan liiska ciyaartoyda kobkaasi umatalaya.
Xulka dalka Uruguay ayaa saaka soo gudbiyay liiska ciyaariyahanada umatalaya koobka olimbikada aduunka waxaana lagu soo diray ciyaariyahanda Suarez iyo Cavani oo joogta ka noqon doono ama ciyaayaari doona koobkaasi.
Oscar Tabarezs oo ah Macalinka xulka Uruguay ayaa sheegay in labadaan ciyaariyahanda Luis Suarez iyo Edinson Cavani oo ukala ciyaara kooxaha Liverbool iyo Catania ay hogaamin doonaan ciyaariyahanada Uruguay ee koobkasi ka qeyb galaya.
Hadaba halkan Hoose ka aqriso liiska ciuaartoyda xulka Uruguay umatalaya koobka Olimbikada aduunka.
Goolhayayaasha: Kooxda
Martín Campana Cerro Largo
Leandro Gelpi Penarol
Daafaca:
Matías Aguirregaray Palermo
Emiliano Albin Penarol
Ramon Arias Defensor Sporting
Sebastian Coates Liverpool
Diego Polenta Bari
Alexis Rolin Nacional
Qadka dhexe:
Maximiliano Calzada Nacional
Nicolas Lodeiro Botafogo
Gaston Ramírez Bologna
Egidio Arevalo Ríos Palermo
Jonathan Urretaviscaya Vitoria Guimaraes
Tabare Viudez Nacional
Weerarka:
Edinson Cavani Napoli
Abel Hernandez Palermo
Luis Suarez Liverpool
Man United iyo Chelsea oo isku Heyasta saxiixa Weeraryahanka Kooxda Fulham Moussa Dembele
Horyaalka dalka england oo Sanadkaan xiiso gaar ah yeelan doono ayaa hada kooxaha ugu tunka weyn waxaa ay soo iibsanayaan ciyaartoy ay u arkaan in uu kooxda wax ku soo kordhin karo.
Kooxda kubada cagta ee Man United oo sanadkaan si xoogan isku adkayneysa ayaa iminka udhaqaaqday weeraryahanka kooxda Fulham Moussa Dembele.
Macalinka kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa la sheegay in uu si aad ah udaneynayo saxiixda laacibka weerarka uga ciyaara kooxda Fulham Dembele.
Sida maanta lagu qoray Jariirada Sunday Times in man unired ay la soo wareegi doonto weerar yahankaasi maadaaama Fulham ay ku dhawaaqday in uu iib ka yahay weerar yahankaasi.
Moussa Dembele oo weerar ka ugu ciyaara Fulham ayaa udhaliyay 2 gool oo qura waxaana uu dheelay 47 kulan waxaana sidaa daraadeed ay kooxda sheegtay in ay iska iibineyso balse Man United ay umuuqata mid la soo wareegeysa waxaase Man kula hardamo doonto naadiga Chelsea oo weerar yahankoodii Drogba ka tagay.
Tottenham oo Chelsea Ka Doonaysa in ay Kala Soo Wareegto Ciyaariyahan Daniel Sturridge 9 -07-2012
Macalinka cusub ee kooxda waayahaan laga yaaban yahay ee Tottenham Andre Villas Boas ayaa sheegay in uu doonayo in uu la soo wareego Daniel Sturridge oo ka tirsan kooxda Chelsea.
Tottenham ayaa ciyaariyahankaasi ku dooneysa 5 Million oo Dollar waxaana tababrihii hore Chelsea xagaagii hore ku fashilmay Andre Villas Boas uu sheegay in Sturridge muhiimadiisa koowaad ee naadiga uu yahay.
Hadalka ka soo baxay macalinkii hore ee Chelsea ayaanan ila aiyo hada ka hadlin dalabka ciyaariyahan Sturridge waxaana la ogeyn in laga aqbali doono iyo in kale.
Villas Boas ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in uu kooxdiisa ku soo biiriyao laacibkaasi oo mar uu macalin usoo noqday misna aanan looga sheekeyn doonin qab ciyaareedkiisa iyo sida uu uciyaariyo.
Waxaa Qoray Hassan Xaaji Abdullaah (Xasan Baroon)
Astonvila ,Everton iyo Arsenal oo isku Heysta Saxiixa Ciyaariyahanka Khadka ugu Ciyaara Kooxda Rennes ee Tongo Doumbia
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Rennes ayaa sheegay in hamigiisa koowaad uu yahay sidii uu uga ciyaari lahaa horyaalka ugu xiisaha badan aduunka ee Premier League waxaana la sheegay in ciyaariyahankaasi isku heystaan kooxaha dalka England kawada dhisan Arsenal. Everton Astonvila.
Tongo Doumbia oo ah ciyaariyahan Dayar oo 22 jir ah isla markaana kooxdiisa ugu harsan ilaa iyo mudo 2 sano ayaa sheegay in uu wada hadalo kula jiro kooxo ka dhisan dalka England hadii uu heshiis lagaarana uu soo afjari doono qandaraaska labada sano ah.
Koox aan wali shaacin cida ay tahay ayaa la sheegay in ay soo bandhigtay qiimo dhan 2.5 Million oo Euro waxaana ciyaariyahankaasi madow uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku tagi doono horyaalkla England xili ciyaareedkaana uu ka ciyaari doono.
Hadaba macadda ilaa iyo hada kooxda uu sida rasmiga ah ugu biiri doono inkastoo sadexdaan koox lala xiriirinayo in ay wada doonayaan ciyaariyahankaan Khadka dhexe ugu ciyaara kooxda Rennes.
Chelsea Oo Ku Hongowday in ay La Soo Wareegta Weeraryayhanka Kooxda Bayer Leverkusen Schurrle
Naadiga kubada cagta ee Cheslea ayaa ku soo hungowday in ay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Bayer Leverkusen André Schürrle kaasi oo ku dooneysay 16 milyan oo ginni.
Weerarrayahankaan kooxda Bayer Leverkusen ayaa kamid ah ciyaartoyda dadda yar ee horyaalka dalka Jarmalka ka ciyaara waana ciyaariyahan 21 jir ah oo xulka dalka jarmalka usaftay ilaa 16 kulan oo qura.
Wolfgang Holzhauser oo ah Agaasimaha naadiga Bayer Leverkusen ayaa sheegay in Chelsea ay (16 milyan ginni) ay ku dooneysay weeraryahankooda Schurrle oo 21 jir ah balse ay ku sheegeen wax aanan macquul aheyn.
Kooxda Chelsea ayaa raadineysa ciyaariyahan afka hore kaga ciyaara kadib katagi taankii laaciboodii koobka Champions league uqaaday ee Didear Drogba sida daradeedna ay rabaan badalka Drogba.
Wiil uu Dhalay Miilkiilaha Ac Milan oo Caashaqay Qaab Ciyaaredka Ciyaariyahan Andy Carroll iyo AC Milan oo si Amaah Ku Soo Qaadaneysa ciyaariyahankaasi
Naadiga kubada cagta ee dalka Talyaaniga ka dhisan ee AC Milan oo dhawaan la shaaciyay in ay soo xirtay Albaabada suuqa kala iibsiga balse maamulka kooxdaasi ay ku sheegeen mid aanan waxba ka jirin ayaa hada sheegtay in ay doonaaaan ilaa iyo dhowr ciyaariyahan.
Ac Milan ayaa had si amaan ah ku dooneysa weerar yahanka kooxda Liverbool Andy Carroll kaasi oo ay AC Milan ku dooneyso in xli ciyaareedkaan uu la joogo.
Sida lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in wiilka uu Dhaliyay Raisul wasaarihii hore ee dalka talyaaniga isla markaana ah milkiilaha kooxda Ac Milan Pier Silvio ayaa la sheegay in uu si aad ah utageero ciyaariyahanAndy Carrol.
Pier Silvio aya la sheegay in ciyaariyahankaani uciyaari kooxda Liverbool uu yahay laacib u markasta jecel yahay isla markaan uu la dhacay awoodiisa iyo qaabka uu udaliyay goolasha madaxa ah.
Macalinka kooxda Ac Milan rendan Rodgers ayaanan qorshaha ugu jirin in kooxda lagu soo biiriyo Andy Carroll hayee shee miilkiilaha kooxdaasi Silvio Berlusconi uu sheegay in wiilkiisa la tix galin doono kooxdana lagu soo biirin doono madax dhaliyaha weyn ee liverbool Andy Carroll,.
Hassan Xaaji Cabdullaahi Xasan Baroon
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
Xaska_xaaji@hotmail.com