Dubai(HWN) Madaxweynaha Maamul Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa gaadhay Magaaladda Dubai ee xarunta Imaaraadka carabta.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka soo kicitimay Dalka Austrelia ayaa waxa uu ku sii jeeda Magaaladda Jig-jiga ee Xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku sugayaan dadweynaha deegaankaasi.
Socdaalka madaxweynaha oo la xidhiidhay sidii uu qurbo jooga dalkiisa uga siin lahaa warbixino la xidhiidha hawlaha iyo horumarka balaadhan ee ka jira deegaamada.
Waxa la filayaa in inta uu ku sugan yahay Magaaladda
Dubai uu la kulmo jaaliyada Dawlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo uu ka dhagaysan doono warbixintooda.
Waxa la filayaa in uu maalmaha soo socda dib ugu laabto dalkiisii, iyada oo ay dadweynuhuna si aad ah ugu diyaar garoobeen soo dhaweyntiisa.
Ismaamulka soomaalida Ethiopia ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku talaabsaday horumar la taaban karo, waxaana si habsami ah u socda waxbarashadda iyo horumarada kale.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Najaxcunaaye52@gmail.com