Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Khilaafkii Gacan Ka Hadalka Ee U Dhaxeeyey Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel Iyo Garyaqaan Foosi Macalin Yoonis Oo La Soo Afjaray


(Hadhwanaagnews) Monday, July 09, 2012
Hargeysa(HWN):-Munaasibad lagu heshiisiinayey Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Cabdirashiid Beergeel Iyo Garyaqaan Foosi Macalin Yoonis ayaa maanta lagu qabtey Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa.Kadib markii uu dhexmaray khilaaf gaadhay

Hargeysa(HWN):-Munaasibad lagu heshiisiinayey Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Cabdirashiid Beergeel Iyo Garyaqaan Foosi Macalin Yoonis ayaa maanta lagu qabtey Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa.Kadib markii uu dhexmaray khilaaf gaadhay gacan ka hadal

Waxaana khilaafkaasi u kacay oo xaliyey odayaal, culimaa´uudiin,Madax-dhaqameed iyo Waxgarad tiro baddan oo aan u kala hadhin kadibna ku guuleystey soo afjarida khilaafkaasi.

Xalinta Khilaafka oo uu hogaaminayey Suldaanka guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo odayga ruugcadaaga ee Somaliland xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe).kadib markii ay dibada ula soo baxeen xalinta khilaafkaasi oo ay guddida cadaaladu gacanta ku haysay, waxaanay guddida cadaalada ka codsadeen labadaa masuul muddo laga joogo sideed cisho ka hor inay iyagu arrinta soo

dhameyn doonaan.

Munaasibadii lagu heshiinayey labada masuul oo ahayd mid aan saxaafadda loo ogolayn ayaa la sheegay inay si islaab-xaadhasho ah isku gacan-qaadeen, taas oo laga dareemay shucuurta dadweynihii ku sugnaa huteelka oo ku farxay heshiiskaasi, kuwaasi oo u badnaa Odoyaal,Dhalinyaro soo dhaweeyey heshiiskaasi.

Sidaa waxa heshay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews oo isha ku haysay arrimaha khilaafkaasi, Haddaba, Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa shirjaraa´id oo uu qabtey Maalintii Khimiistii todobaadkii aynu soo dhaafnay xafiiskiisa ayaa waxa uu ku mudeeyey in khilaafka gaadhay gacan ka hadal ee dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Cabdirashiid Beergeel iyo Garyaqaan Foosi Macalin Yoonis ay guddida cadaalada qaranku khamiista soo socota ay go´aan ka soo saari doonaan khilaafkaasi,hasayeeshe waxa arrinraasi meesha ka saarey,kadib mkarkii ay maanta heshiis loo dhan-yahay oo ay hor-kacayaan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo Oday Xaaji CabdiWaraabe soo afmaareen.

Arrintan ayaa waxay muujinaysa doorka ay Madax-dhaqameedka iyo Odayaashu ugu jiraan bulshada, gaar ahaan isku soo dhaweynta iyo xalinta khilaafaadka ka dhex abuurma dhinacyada bulshada iyo hogaamiyayaasha-ba, inkasta oo dhacadadani ay ugub ku tahay bulshada, 

Reporter Hadhwanaagnews.com
Office/Hargeysa
Somaliland

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.