Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Daawo Video: Tababar la xidhiidha Barnaamij lagu kobcinayo dhaqaalaha Degmada Burco oo maanta lagu soo Gebogabeeyey Hotel Cigaal ee Magaalada Burco.


(Hadhwanaagnews) Monday, July 09, 2012
Tababarkan oo ay maalgelinaysay Hay’adda ILO ayaa soconayey muddoo saddex maalmood ah iyadoo ay ka qaybqaadanayeen Xubno kamid ah Dawllada hose ee Burco, sarakiil ka socotay laamaha Dawladda dhexe, xubno ka mid ah shirkadaha ganacsiga, qurbajooga gobolka

Daawo Video: Tababar la xidhiidha Barnaamij lagu kobcinayo dhaqaalaha Degmada Burco oo maanta lagu soo Gebogabeeyey  Hotel Cigaal ee Magaalada Burco.

 
 
 

Tababarkan oo ay maalgelinaysay Hay’adda ILO ayaa soconayey muddoo saddex maalmood ah  iyadoo ay ka qaybqaadanayeen Xubno kamid ah Dawllada hose ee Burco, sarakiil ka socotay laamaha Dawladda dhexe, xubno ka mid ah shirkadaha ganacsiga, qurbajooga gobolka  iyo weliba xubno ka mid ah haweenka Degmada Burco.

Taababarkan oo loo bixiyey PPD oo macnaheedu yahay Mashruuca Horumarinta Degmada ee Ganacsatada iyo Dawllada ayaa si weyn loogu

qaadaa dhigay eyey  isla markaasna lagaga doodayey sida ugu haboon ee kor loogu qaadi karo Dhaqaalaha Degmada shaqo Abuurisna loogu samayn karo  Dhalinyarada iyo Bulshada Gobolkani.

Xubnihii Dooda ka qaybqaadanayey ayaa soo jeediyey in dhaqaalaha degmada la kordhin karo haddii cashuur dheeraad ah oo ka badan tan caadiga ah lagu soo Rogo Gaadiidka Raaxada iyo Bushaarooyinka ka ganacsada Dawooyinka haweenku isku qurxiyaan, iyago ku sababeeyey inaanay ahayn wax Bulshada oo dhan u wanaagsan ama ka dhexeeya amaba faaido u leh, halka qaar kalena ay ka soo jeediyeen in la sameeyo Guddiyo ay shaqaalaha Dawladaha hoose iyo Dawladaha dhexe samaysteen oo ka shaqeeya Arrimahaasi.

Lataliyaha Dawladda hoose ee Burco Muuse Cali Xirsi oo isagu Barnaamijkan xidhiidhinayey ayaa ka warramay Ujeedooyinka ugu waaweyn iyo faaidooyinka Tababarkani.

Gebogabadii Waxa Tababarkan  Soo xidhay  Maayarxigenka Degmada Burco Axmed Cabdi Fly  oo sheegay in Tababarkani uu ahaa mid aad u muhiim ah isla markaasna ay ka faaideysteen ,   waxaanu  aad ugu mahadnaqay Hay’adda Mashruucan maalgelinaysay ee ILO.

 

 

 

 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.