Waxaan halkan kasalaamayaa shacabka Somaliland ee nabada iyo barwaaqada jecel iyo bahda saxaafada ee sida dhexdhexaadnimada ah ugu adeega qaybaha kala duwan ee shacabkooda waxaan idin leeyahay waad dadaasheen ee habalyo sii wada hawlkarnimada.
Akhriste waxaan axadii(July 9, 2012 ) ugu soo toosey warbaahinta oo qoreysa war dedeg ah oo sheegaya Boqor cismaan buur-madaw oo halsano ay ku xukuntey maxkamada gobolka hargeysi iyadoo sida warkaasi tibaaxey loo cuskadey qodobka 156 ee tastuurka oo mabnuucaya
yes"> aflagaadada madaxda qaranka,hadaba waxaynu ogeyn in boqorku uxidhnaa dhaleecayn iyo toosin usoo jeediyey xisbiga kulmiye iyo madaxda xukuumada axmed siillanyo, iyadoo arrinkiisu muddo afar bilood ah maxkamadu war wareejinaysay.
Akhriste markii xukuumadani talada dalka lawareegtey waxay sheebka danbe ku riteen golihii sharci dejinta iyadoo ay shirgudoonkii golaha kala saxeexdeen heshiisyo dhagareedyo siyaasadeed oo u xaglinaaya dhinaca rabitaanka xukuumada iyadoo meeshaba laga saarey ujeedkii uu ujirey golahan sharci dejintu.
Waxba yey arraartu ila durkinee aan kusoo noqdo ujeedka qalinkeyga oo ahaa xadhigan halka sana ah ee boqor cismaan buur-madaw lagu xukumey.
Hadaba Markii xukuumadu meel saartey awoodii ay lahaayeen golahani waxay kaloo aqoonsatey inay awoodkale jirto oo ah madaxdhaqameedka oo beelaha ka haysta kalsooni weyn iyo karaamo iyo qadarin.
Waxa hubaal ah in madaxtooyadu dabin ay xidhey uu boqorku noqdey madax dhaqmeekii ugu horeeyey ee dabinka madaxtooyadu la duuley balse Somalidu waxay kumaah maahdaa baroortu orgiga kaweyn ee waxaan leeyahay maaha ujeedka Boqorku uxidhan yahay aflagaado madaxweyne ee waxa ladoonayaa in kuwo waaweyn{Salaadiin} maxakamad laaan jeelka liinta ku cabaan.
Waxaan madax dhaqameedka odhan lahaa ha noqonin saddexdii dib ee midba mar lacuney idinkoo boqorka daawanaya ayaa qaarkalena la cunidoonaa.
Ugu danbeyn waxaan ku soo xidhayaa qoraalkeyga geed ayaa ku calaacaley mar ay gooneysay gudini waxaanu yidhi gudinay sidaas iimaad goyseen hadaanu daabkey kugu ool.
W/qalinkii: Abdihakim Marrayare.
abdihakim_marrayare1@hotmail.com.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga