Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag

Ugu Horayn Waxaan Salaamaya Dhamaan Akhristayaasha Maqaalkan...

Hadaan u Soo Daadago Dulucda Maqaalkaygan Horta Intaanan Wax Kale Galin Waxaan Doonayaa Inaan Inyaroo Taariikha Idiinka Sheego Mujaahid Ali Mohamed Yussuf Ali Gurey

Oo Aan Doonayo Inaan Baro Dad Aan u Malaynayay Inay Caruur u Badnaayeen oo Maalmo Dhawayd Iska Soo Daba Tuurayay Maqaalo Aan Waxay ku Salaysanyihin Garan Waayay.

 

Runtii qofka geesiga lagu tilmaama waa qofka ummadiisa iyo dalkiisa wax walba

ka hormariya cali gurey waa geesi kaa maraya xalka xabadu ka soo dhaceyso, wuxuu ahaa cali gurey ninkii gudaha hargeisa ka dhax wadey snm iyo ururda Ardeyda 1981 ilaa 1983 cali wuxuu isku xidhayey dhaqdhaqaaqa smn ee gudaha ilaa malmihii mudahraadka 22 feberwari 1982 ee UFO group cali wuxuu ahaa hormoodka dhalin yaradu ku soo hirato,wuxuu ninka talada haya ilaa uu snm u talaabey, Cali Gurey wuxuu Lahaa Gurigii Lagu magacaabi Jiray DHABAR GARIIR ee Xaruunta u Ahayd Mujaahidiinta SNM

Intaanay Talaabin.

Ali gurey may 1988 wuxuu ahaa ninka ugu Maskaxda Fiican ee Ugu Talada wanaagsan wuxuuna isaga dab qaadi jirey ilaa suuqa hargeisa, ilaa geed-deeble ilaa talaabinta caruurta iyo maatida isagaa ahaa ninka howlahaas oo dhan isku dubad rida waa geesi aan baqin nin Waloo SNM Ahina Taas uu kuu Qirayaa.

 

Intaa Hadaan Kaga Soo Daadago Taariikhda Geesiga Wuxuu Mujaahidku Dhawr Kalmadood ka Idhi Soo Guryo-Noqoshadii Mujaahid Abdiraxman Abdiqaadir Farah oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

Kadib Socdaalkiisii Caafimaad ee uu ku Joogay London, Hadaba Akhristaw Kalmada GEESI Waxay Leedahay Lama Micno oo Dadka Qaar Ay ku Margadaan Hadaan Isku Dayo Inaan Idiin Iftiimiyo

Micnaha Geesi Waa Qof Ubabac Dhigay Duul Xaq-daro ku Socda Isagoo Waajibaadkooda Mariya oo La Dagaalama Duulkaas, Marka kale Waa Qofka oo Xaqa u Hiiliya, Cadaalada u Hiiliya, Runta Ku Dhinta. Markaan Leeyahay Cali Gurey Waa Halyey Waxaan u Soo Daliishaday Labadaa macne ee Kalmadaasi Wadato.

 

Mujaahid Cali Gurey waa Halyey Ka Dhiidhiyay Dulmigii Maxamed Siyad Barre ku Hayay Maatidiisa, Isagoo ka Mid Ahaa Mujaahidiintii Waawayneyd Ee Naftooda u Dhigay Inay Ka Dul Qaadan

Dadkooda Dulmiga iyo Xaq-Darada. Sidoo kale Mujaahidku wuxuu ku Sifaysan Yahay Inuu Hadalka Runta ka Sheego Isagoo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Maanta ee u dooda Kolba Cida la Dulmiyo

Fartana ku Fiiqa Hadba Ninkii Seefta Gar-Darada Sita.

Akhristow Imisa Jeer Ayaad Aragtay Cali Gurey oo Ka Hadlaaya Agoontii Aabayaashood Wadankan u Soo Dhinteen, Imisa Jeeer Ayaad Aaragtay Isagoo ka Hadlaya Suxufi La Cabudhiyay.

Cali Gurey waxa uu soo Qaatay Labada Wasiir ee Aad Mooda Inay meesha u Jooogan Cago-Juglaynta iyo Cabudhinta Dadka Waa Xirsi Libaax oo Isagu Adeerkii ka Haysta Kalsooni Buuxda

Iyo Duur Digdigle oo Aad mooda Jinac Indhihii Laga Jaray Oo Umada Lagu Soo Dhex Daayay oo Mujaahid Cali Gurey barbar Dhigay Labadii Gacan Ku Dhiigle Ee uu La Soo Dagalaamay

Kalana Dagaalamayay Dhacdoyinka Qaar Ay Imika ku Kacaan Labadaasi wasiir waa MORGAN YUHUUDI & GAANI.

 

Waxaan ku Soo Khatimayaa Maqaalkayga, Soomaalidu Waxay ku Maahmaahdaa " Intanad Falin ka Fiirso", Waxaan Lahadlayaa Yaryarkii Maalmihii Ugu Danbeeyay Naga Farafaraynayay Muaahidka

Waar ku Raaca Mujaahidka oo Xaqa u Hiilya, Oo Runta U Hiilya, Oo Madluumka u Hiiliya, Hadii kale Halkay Morgan iyo Gaani ku Danbeeyeen uuunbaydun ku Danbayn Dalkan iyo Dadkiisa Illaahay Baa

La Jira.. Wasalaamu Calaykum.

 

Caaqil Abdulkadir Essa Mohamed


"Mujaahid Cali Gurey Halyey Runta Ku Dhinta." by Caaqil Abdulkadir Essa Mohamed


(Hadhwanaagnews) Monday, July 09, 2012
Ugu Horayn Waxaan Salaamaya Dhamaan Akhristayaasha Maqaalkan...

<chiefcaqil@hotmail.com

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.