|
|
Amiirad Sacuudiyaan ah oo ka falaagowdey Dalkeeda Magangelyana weydiisatey Dalka UK waa maxay sababtu? by Ahmed A. Ileeye (Hadhwanaagnews) Monday, July 09, 2012 oo magaceeda la yidhaa Saarah laguna naaneyso Baarbi oo uu
dhaley ninka maalqabeenka
Amiiradan oo magaceeda la yidhaa Saarah laguna naaneyso Baarbi oo uu dhaley ninka maalqabeenka ah awooda badana ku leh qoyska xukuma Boqortooyada Sacuudi Arabiya ee lagu magacaabo Amiir Dalaal ibnu Cabdi casiis, ayaa waxay weydiisatey Dalka UK magan gelyo siyaasadeed, warkan oo ay qortey Jariidada ka soo baxda Uk ee Daly telegraph cadadkeedii soo baxey Axadii 8 july 2012, waxa iminka lagu ilaalinayaa Amiirda iyo afar Caruur ah oo ay dhashey, meel qarsoodiya oo ka mida Huteelada lagu raaxeysto ee loo yaqaano Five stars ama shanta xidigood, Amiirada oo arintaas ka hadashey ayaa waxay tidhi, aad ayaan u cabsanayaa hada, kumana laaban karan wadankeygii waxaa la igu tuhunsanyahay inaan taageero Mucaaradka dalkeyga iyo weliba inaan gacan saar la leeyahay Dalka Iiraan arintaas darteedna horaa la iigu dhibaateeyey, waxaana la xayirey
dhamaan hantidii aan ku lahaa Sacuudi Arabiya, ayay sii raacisay hadalkeeda. Amiirada looyaradeeda ayaa u dalbadey magan gelyo siyaasadeed Jimcihii aan ka soo gudubney, waxaana hada gacanta ku haya Ra;iisu wasaaraha David kamaroon, oo ka fiirsanaya arintaas isagoo dhanka kalena dhowraya inuu wax u dhimo xidhiidhka wacan ee u dhaxeeya labada wadan, iyadoo Sacuudiguna ku adkeysano in Amiiradu ku soo laabato Dalkeeda, Amiiradu waxay ku nooleyd Dalka UK ilaa 2007 ka dib markii uu khilaaf xoog lihi soo kala dhex galey iyada iyo aabaheed Amiir Dalaal, waxaaney sheegtey Amiiradu inaan ku lid ahayn Maamulka iyo Talada Adeerkey Boqor cabdalla iyo Shareecad islaamka midkoodna, waxaney intaas raacisay waxaan rabaa in isbedel lagu sameeyo Gudaha dalka taas oo loo arkeyo arin halisa,
Ahmed A. Ileeye, Hargeysa/Somaliland
|