ah ayaa beeshu si mug iyo miisaan leh oo maqaamkeedu sareeyo uga soo qayb gashay
Waxana kulankii shirkaasi layskula qaatay dhamaanba qodobadii lagaga hadlay kulankaasi kuwaaso ay ugu horeeyeen
ku dhaqanka diinta islaamka iyo quwaynteeda, adkaynta nabadgelyada, ilaalinta deegaanka, iyo ka qaybqaadasha horumarinta degaamada beesha
Waxanay beeshu shirkaas ka soo saartay qodobo dhaxalgal ah oo halkaas ka akhriyey afhayeenka shirkaasi Axmed Maxed Xasan waxanu sheegay in ay beeshu isla qaadaatay
Ø Beeshu awalan waxay qaadatay ku dhaqanka diinta islaamka iyol taaba gelinteeda
Ø Beeshu waxay aamin san tahay in jiritaanka midnimada iyo madaxbananida Somaliland ay tahay lama taabtaan taaso beeshu u hurtay naf iyo maalba halgankii loo soo galay lasoo noqoshada madaxbanaanideeda
Ø Beeshu waxay hiil iyo hooba la garab taagan tahay xukuumada jamhuuriyada soomalailand ee uu hogaamiyo madaxwayne axmed Mohamed mahomud siilaanyo
Ø Beeshu waxay taageeraysa wada hadalada dhinaca siyaasada ee dawlada Somaliland iyo iyo somaliya
Ø Beeshu waxay ilaalinaysa nabad gelyada guud ee dalka Somaliland iyo tan deriskaba
Ø Beeshu tabashadeeda ku wajahan dhinaca xukuumada waxay u maraysaa dariiqa wada hadalka
Ø Deegaanka beesha waxa ka reeban xaalufinta deeganka iyo gubista dhirta waxa kale oo reeban kala sheegashada deegaankeeda siida seerayaasha iyo ceshiimoyinka sharci darada ah
Ø Beeshu waxay si xushmayn iyo maamus mudan madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland uga codsanaysa inuu cafis u fidiyo boqor cismaan aw maxuud maxamed oo beesha kasoo jeeda
Waxana shirweynahaas beeshu ay ku ansixiyeen guddi ka kooban 15 -xubnood oo beeshu u igmatay hogaanka iyo turxaan saarka,kuwaasi oo isagu jira Cuqaal,Aqoonyahano iyo Culimaa´udiin
Gabagabadii shirkaasna waxa ka hadlay xildhibaan aadan shire faarax oo ka tirsan golaha guurtida JSL oo is gu na ku nuuxnuuxsaday muhimada goaamada beeshu soo saartay iyo taaba gelintooda. Waxa iyaguna xidhitaankii shirkaasi ka hadlay xubno aad utiro badan oo isugu jira shirgudoonka shirka culimo-awdiin, cuqaal, qurba-joog aqoon yahano iyo musiiliyiin ka socotay maamulka gobolka iyo degmada oo dhammantoodba balanqaaday in ay fulinayaan goaamada shirkan beesha layskula qaatay
Intaas ka dibna waxaa degmada dararweyne soo gaadhey oo si weyna loo soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo garaad C/laahi Maxed Guuleed oo ka soo kicitimay dhinaca magaalooyinka owrboogays iyo kulaal waxaana garaadku cadeeyey sida uu uga xunyahay falkiii waxashnimada ahaa ee lagu soo weeray tuulada gawsayne laguna laayay dadkii aan waxba galabsan isagoo si weyna ucabaareeye shuftadii falkaas geystay waxaanu falkaas uu ku tilmaamay mid lagu wiiqayo xasiloonida iyo nabadgelda dadka walaalaha ee wada dega bariga somalliland
Isagoo garaadkuna bulshada u soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto falalka noocaas waxaa iyna halkaasi ka hadlay maayarka degmada daraweyne iyo waayeelka beelaha wada dega degamada dararwayne oo iyana dhinacooda ku dheeraday nabada iyo ahmiyadeeda iyo sida loogu baahan yahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaas waxashnimda lahaa geystay waxaana garaadka iyo shacabka degmada dararweyne isla qaateen qodobo nabada lagu xoojinayo iyo sidii loo sii xoojin lahaa dedaalada ku wajahan dhinaca nabada iyo dhowaynta bulshada walalaha ah
Hadhwanaagnews/Office
Ceerigaabo/Somaliland