Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Safarkii Ugu Horeeyey Ee Uu Joogo Magaalada Laascaanood Ee Gobolka SOOL


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2012
(HWN):-Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu hawl shaqo oo uu ugu kuur-galayo xarumaha ciidanka Ammaanka iyo habsami-u-socodka

Laas-caanood(HWN):- Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu hawl shaqo oo uu ugu kuur-galayo xarumaha ciidanka Ammaanka iyo habsami-u-socodka hawlohooda shaqo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan


Taliyaha Booliska Somaliland oo Warbaahinta kula hadlay Laas-caanood, ayaa sheegay in Safarka uu Laascaanood ku tagay la xidhiidho u kuur-gelidda hawlaha shaqo ee ciidanka Booliska gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo inuu xog-ogaal u noqdo duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidanka ammaanka ee heer gobol illaa degmo.


Taliye Cabdilaahi Fadal oo ka hadlayey u jeedada socdaalkiisa uu ku joogo

Magaalada Laascaanood ayaa waxa uu yidhi"Waxaan u imi halkan inaan xog-ogaal u noqdo oo aan indha-indheeyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan Booliska gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo aynu hadda joogno, sidii aan u again lahaa baahiyooda gaarka ah iyo iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee hawlohooda shaqo la xidhiidha ee hadda ka dhiman si loo tayeeyo guud ahaanba Booliska gobolka Sool, gaar ahaan xarunta gobolka oo ah Laascaanood."


Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu tilmaamay in guud ahaanba ay Ciidammada Booliska si fiican u tayeyn doonaan, gaar ahaan kuwa gobolka Sool oo uu sheegay inay mar walba shaqo ka badan kuwa gobollada kale ku sugan oo dhinaca amniga ah ay ku hawlan yihiin, maaddaama oo gobolka Sool uu yahay gobol xad la leh maamullo kale, isla markaana uu yahay gobolka ugu kooneeya dhinaca Bari ee Somaliland.

Safarkan uu ku tagay Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa noqonaya kii ugu horeeyey  ee uu ku tago gobolka Sool tan iyo markii Xilka Taliye-nimo loo dhiibay
 
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.