marka hore waxaan salaamayaa bahda wargayska caanka ah ee hadhwanaagnews iyo dhamaan hawl wadeenadeeda , salaan kadib aniga oo ah abwaan JAMAAL HANAD waxaan umada ku hadasha afka somaliga u soo saaray maanso cusub taasoo kusoo tabinayo shaako dhaba oo ku dhacday wiil somali yeed waana tan
qori baan sidaa
inan aad u quruxbadan
tahoma, verdana, arial, sans-serif; BACKGROUND-COLOR: rgb(255,255,255); TEXT-ALIGN: left">oo qoratay suunyaha
sawir qaab leh soo gashay
qosol iyo qiiriyo
waxaad qamuunyo moodana
ka qac siisay jiniyado
anigay i qaladee
ku qab siiyay add oo
commenti aad u qaaliya
qabad siiyay dabadeed
qoraal dheerna daba dhigay
aqbashay oo codkaygii
iga qabatay dalabkii
qawlkeedu wacanaa
qiimaynta aadmiga
waa qofaanad quudhayn
qalbiyaw macanaw
qaaliyaw xabiibi
kalmadahaa qabaw bay
qudhiiba ileedahay
isu qaatay wiil daran
isku qanciyay hanashoo
qaalidii haweenkee
dumar ugu qurxoonayd
anigay i qaladee
ma wuxuu qalfoofbaa
ma qoom kaan la aragbaa
wixii qiiro iga dhacay
qariiradaan sawiray iyo
qorshahaygii fiicnaa
ma qawlkii caruurtiyo
qiiro jabaan baa
waa maxay qiyaamudu
naftu qanci weydoo
waxay ku qarweysaa
qalbigaagii ruuxan
qaatayee qamuunyiyo
adigii qisaas iyo
kugu qaaday qodob daran
bal qaacidaadana raacoo
soo qufoo muxuu yahay
tii ani iqaladaay
qorigaagii waakaa
qalanjadii qarsoonee
qaadirkeed ka baqatee
qawlkeeda been iyo
kaba sheegin qaladee
qoyskeed la noolee
qaabkii ilaahay
u qorsheeyay aan nicin
qoftaasaa allaylehe
qaadirkeedu dhawree
iydaa qurxoonoo
qalabkan facebook
kama dhex qoslaysee
qaadir haydunku beegee
la qor shaysta guur iyo
nolosha qiimaheedii
alleheen inoo qoray
abwaan JAMAL HANAD
FRANCE
ANGERS