Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Siyaasiinta Mucaaradka Ee Dalka Syria oo Baaq Culus udiray Madaxda iyo Dowlada Ruushka.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2012
Moscow-(HWN)- siyaasiinta iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowlada kaligii taliyaha ah ee Bishaar Al Asad ayaa

Moscow-(HWN)- siyaasiinta iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowlada kaligii taliyaha ah ee Bishaar Al Asad ayaa baaq culus udirtay madaxda iyo dowlad Ruushka iyagoona ugu baaqay in ay faraha kala baxaan qorshaha xilka looga tuurayo Madaxweyne Bishaar Al Asad.

Kadib markii dalka Ruushka uu booqasho ku tagay mid kamdi ah saraakiisha mucaaradka ah ee sida weyn ugu ololeynay in xilka laga tuuro Madaxweyne Asad ayaa kulamo waxaa uu la qaatay madaxda dalka Ruushka isagoona ka dalbaday in Ruushka uu faragalinta ka daayo dalka iyo taageerada xoogan uu lagarab

taagan yahay Madaxweyne Asad.

Sarkaalkaan inta uu ku sugnaa dalka Ruushka lana joogay madaxda dalkaasi waxaa uu usheegay in Ruushka uusan wax sumcad ah ku dhex laheyn dalka Syria iyo guud ahaanba shacabka dalkaasi.

Hayee shee sargaalkaani Syria ka soo jeeda ee la kulmay madaxda Ruushka waxaa ay ubalan qaadeen in Ruushka uu diyaar uyahay wax walba oo dalkaasi dib loogu soo celin karo nabadii iyo kala dambeyntii mudo 16 bilood ka hor dalkaasi ka jiray iyagoona sheegay in ay dowlada iyo mucaaradkaba la shaqeynayaan.

Hadhwanaagnews Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka oo idiinkaaga imaanaya Stuudiyaheeda Magaalada Muqdisho.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.