Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gabaygan maanyari waxa uu Cismaan Keenadiid ku muujinayaa xumaha iyo dibindaabyada gumeysiga, marinhabowga


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 14, 2012
Gabaygan maanyari waxa uu Cismaan Keenadiid ku muujinayaa xumaha iyo dibindaabyada gumeysiga

Gabaygan maanyari waxa uu Cismaan Keenadiid ku muujinayaa xumaha iyo dibindaabyada gumeysiga, marinhabowga iyo silloonida kuwii daneysigu melgay. Gabaygu wuxuu ka digayaa dhaqanka xun iyo dambaynta. Waa baaq ku jeeda gobanimada, walaaltinimada iyo islaanimada Soomaaliyeed.
Oday Cismaan waxa uu gabaygan tiriyay 1952 dii, wuxuuna yiri:

Maanyari Soomaali, waa maharaddeediiye

Maslaxadeedii garan wayday, iyo marinkii ku toosnaaye

Macnahay ku noolaan lehayd, maluhu siin waaye

Maamuus la’aan lagu waday, moodayaan nolale

Miisxumida haysiyo dulligu, waw u macaan yahaye

Mabsuud weeye badidood, waxay mudanhayaan ceebe

Muslinnimada sida loo mudmudi, kama masayraane

Meqaam xumida waxa joojiyay, waa muran dhaxdoodaaye

Iyagaysu muuqanahayee, moog adduunyada e

Murtiday lahaayayn, iyo dile magaca koodaahe

Muwaafaqo kolkii

laga gafaa, molotigood galaye

Anigaa ku miro dhaama, ayaa malag u saarnaaye

Macriif uma yeeshaan, wuxuu baran masaalkoode

Macaamilada aadamigu ku jiro laga madoobeeye

Martabada adduunkiyo cilmigu, uma muuqdaane

Magan bay shisheeye u yihiin, meel la joogaba e

Maalin noolba niman baa ku fala, waxay ka muraadaane

Muquunay ku joogaan, sidii maal la leeyahay e

Raggii madaxdu ka xumaataa, waa marin habaabaane

Kuwii maqaddinnada looga dhigay, waa manfaco raaceene

Mar maxaad cuntaan kaliya, buu yahay maqsuudkoode

Nin mushaharo eexaynahayaa, waa miskiin dhabahe

Muddeec waxa ka dhigay, inuu maarmi waa yahay e

Mudaafacana seeg, iyo inuu maya yiraahdaa e

Culimadana damac baa malgay, oo mooyi say tahaye

Milladdiyo shareecada, bar baa maal ku iibsadaye

Marsiis iyo fudayd buu ku dhacay, maqane diinkiye

Mas’alo-gaabkiyo , ways hayaan kii mufti ahaaye

Ardaydaa mujaadldilo la gali macallinkeediiye

Midkii dhawr masa´alo soo bartaa, maaro loo heline

Makast’iyo intii caamo ahayd, bay madax wareershayne

Hadba xaal muraad lagu wataa, waa layna maqashiine

Waa waxaan minhaajkiyo tuxfaha, meelna kaga oolle


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.