Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


MURTIMAAL GOLAHA DHAQANKA IYO DHALINYARADA WAR-SAXAAFADEED


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 14, 2012
Golaha dhaqanka iyo dhalinyarada Somaliland Murtimaal waxuu si weyn u cambaareynayaa Xukunka

Golaha dhaqanka iyo dhalinyarada Somaliland Murtimaal waxuu si weyn u cambaareynayaa Xukunka xaq darada ah ee lagu riday Abwaan Haybe Faarax,Isagoo in mudo ah ku xidhnaa Jeelka Gabiley

 

Kaasoo xukunkaasi ku galabsaday Tix suugaaneed kana Turjumaysay Dareenkiisa iyo aragtidiisa, Taasoo ah mid uu xaq u leeyahay Dastuurkeenuna aad u ilaaliyo Xuquuqda Xoriyatul Qawlka

 



size=4>Waxa wax lala yaabo ah in xukuumada maanta oo kusoo hal maashay adeegsiga xoriyatul qawlka Xiligoodii mucaaridnimo isla markaana ku ololeyn jiray inay u dhowrayaan Xoriyatul qawlka si ka fiican tii Rayaale ooy qoonsimaad badan ka sheegi jireen

 

Waxaynu ka dheregsanahay in amaan jacaylka iyo Cabudhinta Xoriyatul qawlku Tahay Astaamo ka mida hab dhaqanada uu leeyahay maamulka Keli-talisnimo,

 

Waana wax laga yax-yaxo  in xukuumad kusoo baxday cod shacab isla markaana Xoriyatul qawlka iyo suugaantu ahaayeen kuwo Door weyn ku leh Guusha xisbiga kulmiye ay maanta Talaabooyinkaa ku dhaqaaqdo waxayna u galaysaa Taariikhda xukunka Siilaanyo Xadhiga lagula kaco abwaanada,

 

Sawtay Caadadaadiyo

Camalkaaga ahayd

Goormey kula Cuslaatooy

Ceebtaada noqotay

 

Hadaba Ururka murtimaal isagoo ka warqaba Xaalada dalka ee cabudhinta Xoriyatul qawlka ayna jiraan hal-door badan oo arinkaasi u xidhan, waxuu si gaara uga xunyahay Xadhiga iyo handidaadaha lagula kaco suugaanyahanada ooynu ognahay inay hadiyo jeer ka turjumaan dareenka bulsho.

 

Waxaanu ururka murtimaal balan qaadayaa inaanu ka hadhayn Xadhiga Xagdarada ah ee lagula kacay abwaan haybe faarax ilaa inta xoriyadiisa loosoo Celinayo,

 

Waxaanu Ururku balan qaadaya inuu Bilaabayo Olole Suugaan lagu dhiirigelinayo xoriyatul qawlka lagagana soo horjeedo Xadhiga iyo hadidaadaha lagu kaco suugaanyahanada  iyadoo ururka murtimaal yahay mid ka turjuma Dhamaan bahda dhaqanka iyo suugaanta ee Somaliland

 

Agaasimaha Ururka Murtimaal

C/qaadir cabdi xasan

Hargeisa, Somaliland

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.