 |
|
Muqaalka Hooyada, Aabaha iyo Shanadadda ay kusoo rideen Ilmahooda yar oo 5 Bil Jir ah. |
Dubai -(HWN)-Hooyo iyo Aabo dhalay Ilmo yar oo 5 Bilood jira aya lagu qabtay Airportka dalka Imaraatka Carabka kadib markii ay kusoo rideen Shandadda Dharka.
Cidamada Amaanka Airportka ayaa shaaciyay in Hoyada iyo Aabihu ay siten Vise lakinse ilmaha yar uusan lahayn Vise dalka uu kusoo galo sidaa daraadeed ayay dhuumasho kusoo galinayeen Ilmaha yar, waxaana sheegay amaba lagu arkay Qalabka wax lagu baara ee looyaqaano x-ray scan.
 |
|
Ilmihii yaree oo shandadda ku dhex jira ay sawirtay mashiinka wax baara. |
Hooyada
iyo Abaha dhalay ilmaha yar ayaa imika lagu hayaa Sharjah waxaana baaritaan wayn ku haya Madaxda Diyarada iyo Poliska tasoo lagaran laÂ’yahay sidey diyarada usoo saareen ilmahan yar iyo markii ay diyarada sooraceen ilamahan yar ma dhabta ayay ku qabsadeen mise shandadda ayuu kujiray ilaa xiligii ay diyaradu hawada sare saarnayd, mana lagaran karo.
Gulf News Ayaa sheegtay in waridiintani ay Jimcihii soo caga dhigteen
isla mar ahanata Pasabooradoodu ay saxnaayeen una dhasheen dalka Egypt ama Masar.
Cidamada Amaanka ee Airprtka Emaraatka Carabta ayaa u sheegay labada waarid inay joogayaan Airportka lana siidaynaynin ilaa inta baaritaanku uu ka dhamanayo hase ahaatee wakhtigii ay shaqalahu Airporku isbadalyeen ayaa Hoyada iyo Aaabuha dhalay Ilmahan yar ay isku dayeen inay dhuumasho kugalaan Gudaha dalka kana baxsadaan Airportka hase ahaatee isla markiiba lasoo qabtay sidaasna waxaa sheegay Daily Mail.
Shandda Ilmaha yari kujiro markii lamarinayay Qalabka wax lagu baaro isla mar ahaantaana lagartay inuu ilmo yari kujiro waxay naxdin iyo fajaciso ku noqtay dhamaan shaqalahii Airportka oo dhan sidaasna waxaa sheegay sarkaal sare oo u qaabilsan Amaanka Airportka waxaa kaloo oo imika lasheegayaa in qalabkan wax lagu baarayay ee looyaqano x-ray scan ay dhib u keeni karto Ilmahan yar madama uu jiro 5 Bilood oo kaliya, waxaana baaritaano kuhaya Dhakhtaro.
Labadan waarid ayaa dalka Imaraatka kusoo galay sharci Vise haboonayna in dalka laga celiyo hase ahaatee waxaa lagu qaadayaa danbi ah inay ilmo ay dhaleen ay nafsadiisii ay khatar galiyeen, kadib markii ay shandad kusoo xidheen iyo mashiin khatar ah lamariyay sidaasna waxay ku mutaysan doonaan Xabsi dhowr sano ah lsidasna waxaa yidhi The National daily oo soo xiganaya ciidan Amaanka ee Airportka.
Lama garan karo ilmahan yar waxa laga yeeli doono waxana loogudbiyay Maxkamadda sare.
Hadhwanaagnews
Dubai