Waxaa jira shanqaybood oo uu leeyahay maamulka istaraajiyada, oo looga baahanyahay inay isticmaalan SHIRKADUHU, WARSHADUHU, URURADU, iyaga oo lagarabo inay si sax ah umaamulaan si ay horumarkooda ugadhan, hadii anaay lahayn siyaasada noocan ah waxaa soo wajahaysa carqalad, taas oo xanibaysa hawlaha shaqo ee kanbanigaas wado, hadaba si uu aga bad baado dhibkaas waxaa fiican inuu isticmaalo qaybahan
1-
style="FONT: 7pt ´Times New Roman´"> STRATEGY PLAN ( QORSHAHA ISTARATIJI)
Waxaan kula talin lahaa qolyaha maamulka u haya SHIRKADAHA, inay sameeyaan qorshe ka baarandag inta aanay qaadan goaan, maxaa yeelay waxaa lagayaaba inuu dhibaato ku keeno, dhaq-dhaqaaqa ay wado, tusaale ahaan WARSHADU, waa mid waxsoo saarta maamulkii ayaa wuxuu qaatay goaan lagu soo saaro dharkii xagaaga, xiliga lagujiraana waa wakhti dhaxaneed, oo bulshadaasi waxay ubaahanyihiin maryo culus, koodhadh, funaanado, surwaalo jeens ah, markaa dharkaa khafiifka ah ee jilicsan dadku maxidhanayaan weeye suaashu?.
Waa maya khaladkaasna waxaa masuliyadeda iska leh MAAMULKA, waayo bilaa qorshe ayay goaan iska qaateen, kharashna galiyeen kanbanigii, lababa waxay ugu xuntahay, dhaq-dhaqaaqi ganacsiga oo laga qaaday, iyo khasaare soo wajahay, oo soo kabasho ubahaan, markaa waxaan odhankaraa qorshuhu waa waxa ugu muhiimsan inay kafikiraan MAAMULKA SARE.
2- STRATEGY PARTNER ( ISTARAAJIYADA WADATASHIGA)
Waxaa ufiican qolyaha MAAMULKA SARE, inay samaystaan nidaam wadatashi marka ay goaan mustaqbaleed gadhayaan, iyada oo kacaawinaysa inaan la odhan, goaan koodii, kaygii, ee layidhaahdo waa waxaynu isla garanay, waxaanay lakaashanayaan MADAX-WAXEEDKA, SHAQALAHA, si uu kanbanigaasi unoqdo mid horumarikara shaqaalihiisan kalsooni galinkara.
3- STATEGY AS PERSPECTIVE ( ISTARAAJIYADA Fikirka Horamarinta)
Qaybatani waxay hoos u eegtaa SHIRKADA, iyada oo eegaysa, dadka saami qaybisaga kuleh hadafkooda iyo ujeedooyinka ay kaleyihiin, shirkda, sida hantida uu leeyahay, awooda dhaqaale, dadka ushaqeeya waa intee, tacliintoodu waa sidee, qaab dhismadkeeda uu leeyahay waa side, mayihiin qaar intaas oodhan danaynaya?. Mise waa qaar sugaya saamiga soo baxa uun?
4- STRATEGY POSSITION ( ISTARAATIJIYADA BOOSKA UU TAGANYHAY)
Waxaa lafalaqaynayaa Maamul iyo shaqaaleba bal halka uu taaganyahay, kabanigoodu degaanka uu kahawlgalo, marka loo eego dhaq-dhaqaaqa kuwa kula jira gobtaas, dabadeed goaan ayaa lagaqaadanaya fikradaha kala duwan ee kasoo baxa , kuwas oo ufiican horumarka kabaniga.
5- STRATEGY POLY ( ISTRAATIJIYADA HABKA SIYASADA )
Kan ugudanbeya waa mid laxidhiidha sidii uu, u, isticmaalilhaa habab uu kaga guulaysto kuwa latar-tarmaya oo kaga saaro goobaha ganacsiga isaga oo adeegsanaya siyaasad siga ugaara, oo noqon karta mid uqarsoon, ama mid muuqata, waana mida utaala, waxana lagarabaa masuuliaydan waxaada suuq gaynta, runtii Shirkadi waxaa laga daalacan karaa qaybtaas uqaablisan suuq gaynta, waxaanay kuxidhantahay cida haysta haday aqoonteeda leedahay, waxaan kula talinlahaa Shirkdaha soomalida inanay u eegin garasho ee cidii uqalanta ay gaystaan, waana iyaga horumarkooda, hadhaw garasho waxba kuu qabanmayso marka lagaa dheereyo .
Qaybaha aan kor kusoo xusay waa danta Shirkadaha si uu, uhorumaro, majirto wax bilaa istaartijiya waayo maba hawlgali karo. Sababaha ay Shirkadaha soomaliladu uguuldaraysataan ee ay ukacaan waa, bilaa istaariji, iyo qorshe xumo, waayo waxay awooda saran qorshaha dhaw, ee ma eegan Long-term Plan, qorshaha fog, dabadeed mudo marka ay jiraan waa lagukala caraara, waana aqon daro kahaysta xaga Maamullka iyo istiraajiyada.
Carqaladaha kale jira waxaa weeye kuwa lawada leeyahay, ma odhanayo kuligood balse qaar kamida, majirto waxa ay kalaqortaan waa laysku darsaday, iyada oo dagdag kujiro afar, ama lix qof ayaa isku imanaya fikirkii ayaa lasoo bandhigayaa waa laysala qaadatay, lacagiihina waa layskudarsaday, marka ay halkaa marayso mardhaaba dhacda inaan lakala qoran, Nin waliba inta uuleyahay, ee uu kubilaabayo ganacsiga, saamiqaybsiga uu helayo, hadii khasaare imaado sida lakala yeelayo, taas oo ay uguwacantahay Bulshada Somalidu waa (Oral Society), afka ayunba wax la iskaga sheega, waxba lama kalo qorto, takale aqoon daro kahaysta siyaabaha ganacsiga, iyo iyaga oo gob ah is aamina, ixtiraamna wax iskugu dhiibata. Markay sidaad dhacdo waxaa la arkaa in qaar kamida iska isticmaalan hantidii kadhaxaysa y , iyada oo ay usaamaxayso gacan kuhaynta xoolaha, dabadeed waxaa dhacda in dhaq-dhaqaaqi ganacsigu isdhimo, marka danbena uu kacoba waxay sababtaa isku dhac kadhex dhasha, oo qaar dhacmaan halkaasna kuwayaan hantidoodii .
Waa iska caada Soomaliye waxa lasmeya khasaare soor , iyada oo la eegayo waxyaalo badan sidii dadkaa lookala badbaadin lahaa, waxaa hubala hadii wax lakala qoran lahaa dhinac kasta khaladad haba yimaade waa yaraan lahaa, waayo meeshii waxaa yaala waxaan ladhafi Karin oo dayr u ah.
TALO SOO JEEDIN
1- Waxaa iga talo ah in cidkasta oo doonaysa inay ganacsi samaysato ay qodabada aan soo sheegay ay racaan oo ku maamulaan hawlahooda
2- In dadka aqoonta u leh ganacsiga ay latashadaan marka ay rabaan in loodajiyo shuruudaha ay rabaan inay kudhaqmaan sida Professor da Jaamacadaha oo anay ka xishoon dantooda.
3- In dayarta wax bartay ee Jaamacadaha kabaxay ay ka faaidaystaan maskaxdooda dihin, oo ay shaqlaysiiyaan, iyaga oo u igmanaya Maamulka, si shaqaalaha hoosena unoqdo dad aqoon lagusoo xulay, oo ha iska dayaan is adkaynta ah anaa garanaya , dadkeena taas ayaa reebaysa, Aadamaha qofba wax buu kuwacan yahay oo ka kale kaga fiicanyahay, waxaanad garanayna ceeb maaha waa kii lahaa Abwaan Aadan Tarabi:
Haday samada guudkeda
Dhulka godan gabiil dhaafto
Garan waayay ceeb maaha
Garashadu sida weeye
Siyaasadu gadaa weeye
Waxa aan aqoontan usoo gudbinayaa Bulshada Somlaida meel kasta oo ay jogaan si ay uga faaidaystaan runtii waa waxaan baranayay een lacagta kabixinayay, ee wadan shisheeye u aaday, markaa akhriste usii gudbi cida kudhaqan degaanka aad kunooshay waa hubaal in laga faaidi doono kan iyo kuwii kahoreeyayba ee aan warbaahinta soo galiyay.
Qalinkii: AQoonyahan Hamse Aadan Tarabi, BBA (Accounting), MBA (Banking and Finance), Kampala Uganda
Email: tarabi09@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga