kuxigeenka xawaladda Dahabshiil ee Gobolka Togdheer Axmed Adan Ibraahin, waxaanu sheegay in tababarkani daba socdo tababaro ay muddooyinkii u danbeeyey shirkaddu ku kobcinaysay tayada shaqaalaheeda, isago uga mahadnaqay xubnaha tababarkan ka qaybqaadanaya sida ay mudnaanta u soo siiyeen tababarkan ee ay maalintii nasashada ahayd ee jimcaaha wakhtigooda ugu soo hureen inay ka faaidaystaan tababarkani.
Macalin Siciid Maxed Cumar oo ah Macalinkii Casharada Tababarkani bixinayey ayaa isna si waafiya uga warramay ujeedooyinka iyo faaidooyinka tababarkani, waxaana uu sheegay in tababarkani ku saabsanyahay shuruucda lagaha lagu kala xawilo iyo kor u qaadida Adeegyada ay shirkaddu Bulshada u hayso, isago xusay in tababarkani uu socon doono muddo hal maalin ah, laguna qaadan doono casharo badan oo ku saabsan arrimahaasi.
Tababarkan oo ay xog badan ka qaateen xubnihii ka qaybgalay ayaa la soo gunaanaday gelinkii Danbe ee maanta waxaana tababarkani soo xidhay C/raxman Cali Xaji Xasan oo ka mid ah Saraakiisha Sarsare ee Shirkadda Dahabshiil Group, hadal kooban oo u halkaasi ka jeediyey Masuulkani ayuu kaga warramay waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga faaido tababarada, waxaanu xusay in tababaradu ay muhiimad weyn u leeyihin shaqada iyo shaqaalaha intaba, Mr. C/raxman waxa uu dhinaca kale xusay in tababarada ay had iyo jeer shirkaddu u qabato shaqaalaheeda ay tayeeyaan shaqaalaha, isla markaasna ay dan u tahay shaqada ay hayaan,
Ugu danbayntii Waxa xidhitaankii Tababarkan xubnihii tababarka ka qaybqaatay la guddoonsiiyey shahaadoyin lagu abaal marinayey sida fiican ee ay uga faaideysteen tababarkan laguna muujinayey in tababar la xidhiidha Shuruucda lacagaha lagu kala xawilo ay dhammaysteen muddo hal maalin ah, waxaana xubnahaasi lagu wacyigeliyey in Shaqaalaha ay ku noqonayaan ee aanay u suuro gelin inay tababarkani ka faaidaystaan ay uga faaideeyaan, casharada ay qaateen isla markaasna uga warramaan waxyaabihii ay halkan ku qaateen ama ka soo faideen, mana ahaa Tababarkii ugu horeeyey ee shirkadda Dahabshiil u qabato shaqaalaheeda ee lagu qabto Burco.
WARKAN OO VIDEO AH LA SOCO GOOR DHOW
Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com