dalkeena{kuwan iyo kuwii horeba} waxay soo mareen sooyaal siyaasadeed tusaale ahaan hadaan soo qaato madaxweyneheena hada talada haya ee axmed maxed maxamud siilaanyo wuxuu xilal kasoo qabtey jamhuuriyadii Somalia isagoo laba jeer noqdey wasiir iyo gudoomiyihii 4aad ee SNM markii danbe wasiirka maaliyada Somaliland hadana gudoomiye xisbi siyaasadeedka kulmiye ilaa uu sidaas ku noqdey madaxweynaha Somaliland.
Akhriste iyadoo aynu ka tusaale qaadanayno jaranjaradaas uu soomarey mudane Madaxweyne axmed siilaanyo bal ufiirso jamal cali xusein sida uu ku doonayo inuu kursiga dalka ugu sareeya kuyimaado waxaynu odhan karnaa wa kaaf iyo kala dheeri.
Kama soo horjeedo inuu qofku han lahaado lkn waa inaad eegtaa fursad iyo jaanis inuu kuu banaan yahay adigoon ku xadgudbeyn sharciga ummadu sameysatey sidoo kale ixtiraamaya dadka kale,usamraya damacaaga murti ayaa odhaneysa: Todobaatan iyo todoba gubaa taaha la hayaae
Markay taadu kuu soo gashaa taabka laqabtaayee
.
Jamaal cali xuseen oo ah inanka majaajilada isagoo kusoo bandhiga cawsyada sheekooyin ama xikaayado dadka aad uga qosliya dadkuna aadbay ujecel yihiin buugaagtiisa sida buuga caanka ah ee laydhaahdo Diwaanka qosolka oo 150 sheeko ka kooban.
Waxa igu maqaale ah in Jamaal oo hawlahiisa sheekooyinka iskaga qanacsan ay dhalinyaro reer wajibuug ah{facebookers} ay yidhaahdeen madaxweyne ayaad uqalantaa iyo dadka aad ka qoslisoo dhan ayaa kuu codeynaya hadaad isa soo sharaxdo jamaalaw iyo sheekooyin kale oo qiiro jabaan iyo laablakac caruureed ubadan ayaa dabada ka soo riixay jamaal kuna soo tukhaantukhiyey dhinaca siyaasada oo aan ahayn arrin si dhibyar looga jibo keeno una baahan samir dheer iyo dhabar adayg faro badan lkn jamal cali xuseen wuxuu doonayaa inuu isagoon alifka dhigan inuu albaqra uboodo.
Qol-qol joog iyo qurbe joog,wadaad iyo waranle,caruur iyo cirroole,rag iyo haweenba waxay isku raacsan yihiin inuu jamal Cali Xusen yahay aqoonyahan,hal abuur ah oo waliba hawlkarnimo leh lkn dhibku waxa uu ka yimid Jamaal cali wadada uu umaraayey damiciisa oo ahaa wado xaaraan ah iyo dadkii qaban lahaa ee ucaqli celin lahaa oo Markey ku arkeen xoogaa shilimaan ah oo iyaguna horbooday.
Degdeg ayaa kujira Jamaal cali xusein oo ah inuu sugiwaayey fursadiisii oo aan wali gaadhin waxaanu isku dayey inuu sharciga qardo jeex ku dhaafo,waxaan sidaas uleeyahay tusaale ahaan xisbiga udub sharciga uyaaley waxa uu ahaa hadaan qodob kamid ah shuruudihii lagu xidhey murashaxiinta xisbiga waxa kamid ahaa:
*In murashaxa xisbiga udub isku soo sharaxayaa uu labadii sanee udanbeeyey ka qaybqaatey ololeyntii xisbiga waliba dalka gudihiisa.
Shuruuudan iyo qaar kale oo badanba majaajileeye Jamaal cali xusein muu buuxin, xeer dhaqanka somaaliga iyo diintuba waxay ina farayaan inaynu sharciga ilaalino iyo awaamiirta ummada,Jamaal waxa uu iska indhatirey sharcigii bahweynta udub isagoo is tusey inuu lacag iyo xeelado kale ku qabsado murashaxnimada xisbiga udub iyo gabi ahaanba dalkoo dhanba.
Jamal cali xuseen waxa uu mudoba caqabad ku ahaa xisbigii haystay horyaalka xisbiyada siyaasada Somaliland ee Bahweynta udub oo mudooyinkii udanbeeyeyba ay ragaadisay khilaaf siyaasadeed oo ciriqiisu ahaa Jamaal cali xuseen.
Hadaan kusoo dhawaado biyo dhaca qoraalkeyga Jamaal cali xusein waxa uu lacag ku gatey xisbigii Ucid ee mudada dheer soo jirey,halkaana waxa caawaaqib xumo iyo ceeb uga soo hoyatey xisbigii Ucid oo laga dhigay aqal uu Jamaal iibsadey.
Akhriste somalidu waxay kumaahmaahdaahal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho Bal waxaad isweydiisaan xisbi la iibsadey oo lacag lagu helay iyo mid mabda lagu dhisey keebaa aayaheena ufiican oo mustaqbalkeena dhisi kara?.
Jawaabta waxaan udhaafayaa akhristayaasha sharafta leh iyo taageerayaasha reer Ucid.
Hore waxaynu u ogeyn in xisbiga Ucid khilaaf ugu yimid kaas oo gaadhey in laba garab ukala jabaan wadani iyo ucid lkn maantana waa qanjiidho kale oo soo gaadhey reer Ucid.
Jamaal cali xuseen waxaan odhanayaa dadku ishay kugu hayaan sida aad udub ka yeeshay la arag ucidna la arki doonee,waxaan kaloo ku xasuusin lahaa murtida odhanaysa calafkaa kuma seegee sixun ha ku doonin.
Ugu danbeyn waxaan halkan tacsi uga diyaraaya taageeryaashii xisbiga ucid oo aan leeyahay ilaahay xoogiinii,maskaxdiinii,maalkiinii iyo wakhtigii idinka galey ucid meelkale ha idinka siiyo aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamin.
W/qalinkii:Abdihakim Marrayare
abdihakim_marrayare1@hotmail.com ama togdheer1987@live.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga