Hargeysa(HWN);-Ku-simaha agaasimaha guud ee Wasaarrada Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cismaan Dubbe, ayaa manta furay tababar ku saabsan Xeerka Booliska Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey hor yaallay Golaha Baarlamaanka Somaliland.
Tababarkan oo ka furmay
hotel samer time, ayaa waxa ka qayb-galay ku simaha agaamiha guud ee Wasaarrada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cismaan Dubbe, la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha nabadgelyada Saleebaan Cawl-ku joog, Faysal guhaad cabdihagahayr, Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska iyo Marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa Tababarkaaas furay Ku-simaha agaasimaha guud ee Wasaarrada Arrimaha gudaha Somaliland, ahna Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Lacagta Maxamed Cismaan Dubbe,waxaanu ka soo qayb-galayaasha kula dardaarmay inay si fiican u falan qeeyaan Xeerka Booliska Somaliland, iyagoo Mustaqbalka iyo Muhiimada uu Xeerkani qaranka u leeyahay.
Waxa kale oo uu Kusimaha Agaasimuhu sheegay in hadii aanu Boolisku yeelan Xeer la mida Xeerarka caalamiga ah ee Booliska ay taasi sababi karto inaanay kala saarin Xuquuqda ay Muwaadiniintu ku leeyihiin iyo kuwa ay iyagu (Boolis ahaan), leeyihiin
Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Madaxa Amniga ee Wasaarrada Arrimaha gudaha Somaliland ahna Xidhiidhiyaha dib u habaynta Booliska Faysal Guhaad Cabdi gahayr iyo Agaasimaha Waaxda Nabadgelyada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Axmed Maxamuud, waxaanay labada masuul faah faahin ka bixiyeen heerarkii uu soo maray xeerka booliska Somaliland.