Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xarakada Al Shabaab oo Magaalada Kismaayo Ku Gubtay Gawaari iyo Doon Ku Rarnaa Qaad oo Magaalada Si Duumaaleysi ah Ku soo Galayay.


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 14, 2012
Kismaayo-(HWN)- Wararka inaga soo gaaraya magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya

Kismaayo-(HWN)- Wararka inaga soo gaaraya magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ay dab qabadsiiyeen gawaari iyo doon siday qaad oo kismaayo laga mamnuucay.

Dhawaan ayaa Xarakada Al Shabaab ee gacanta ku heysa magaalada Kismaayo waxaa ay mamnuuceen in qaad lagu cuno o oo lagu iibayo waxaana dadka loo sheegay in ay iska ilaaliyaan ka ganacsiga qaadka.

Dad goob joogayaal oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa

warbaahinta usheegay in Al Shabaab shalay galinkii dambe ay gacanta ku soo dhigeen gawaari iyo doon siday qaad kaasi oo la doonayay in si dhuumaaleysi magaalada loogu iibiyo balse ay Al Shabaab ay arinkaasi ka war heleen,

Gawaarida iyo doonta qaadka siday ayaa la sheegay in dab la qabadsiiyay oo dhulka lagu daray waxaana sidoo kale xabsiga loo dhaadhiciyay dadkii saarna gawaarida qaadka.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhawaan sidaan oo kale magaalada Kismaayo ku gubtay gaari Dameer siday qaad oo si dhuumaaleysi ah ku doonayay in uu gudaha magaalada Kismaayo galiyo.

Xasan kuuriya

Hadhwanaagnews/oFfice Muqdisho

kuuriya@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.