Hargeysa (HWN) Urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa maanta madal il yartu is-qabatay ku soo bandhigay 11 murashax oo u tartami doonaa Golaha deegaanka ee Caasimadda.
Munaasibadd balaadhan oo loo sameeyay shaacinta Murashaxiintan ayaa lagu qabtay Hoteel Crown ee Magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor, Ku Xigeenka Koowaad, ku xigeenka 2-aad, La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Barriga, Taageerayaasha urur siyaasadeedkaasi, masuuliyiin iyo waliba dadweyne aad u tiro badan.
115%; FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt; mso-bidi-font-size: 11.0pt">Tiraddan murashaxiinta ah oo noqonaysa markii ugu horeysay ee Magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigo, ayaa waxa halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiinta urur siyaasadeedka xaqsoor, kuwaas oo balanqaaday in hadii ay taladda dalka mar uun ku guulaystaan.
Guddoomiye ku xigeenka urur siyaasadeedka Xaqsoor Md. Cali Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in urur siyaasadeedkoodu uu yahay ka keliya ee isugu u taagan sidii hadii uu taladda dalka ku guulaysto cadaalad ugu dhaqi lahaa.
Muuse Xaaji Maxamed Guuleed Muuse inji oo hore uga tirsanaan jiray Wadani ayaa sheegay in uu ku biiray urur siyaasadeedka Xaqsoor isla markaana uu ka helay wixii uu hore uga waayay.
Gabogabadiina guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ururkoodu uu yahay mid ay ku jiraan xubno iyo gobolo aan waayadii hore siyaasada waxba laga siinin.
| Murashaxiinta Golaha Deegaanka Caasimadda Ee Iska Soo Sharaxay Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Wajiyadooda Daawo |
|
Magacyadda 11-ka xubnood ee saaka iska soo sharaxay urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa waxa ay kala yihiin.
Eng. Xaashi Cumar Cige
Yurub Abiib Cabdi
Aadan Cabdi Hereri
Axmed Maxamed Muumin
Cabdixakiin Gaaxnuug
Eng. Cabdilaahi Siciid
Asad Cali Cabdi
Deeq Ducaale
Maxamed Cabdi Yuusuf
Maxamed Axmed Yuusuf
Eng. Axmed Maxamed Aadan
Goor dhaw filo warkan oo faahfaahsan