Jihooyinku Ma saameyn ayey ku leeyihiin Jaceylka.Dadku Deegaan iyo Dhul ayey kala sheegtaan.Dadku dabeecado iyo Dhaqano ayey kala sheegtaan ama ku kala tagaan.Marka reer Bari la yidhaahdo ma la odhan karaa sidoo kale waxa Jira Jaceyl bari.Marka la yidhaahdo Reer Galbeed ma la odhan karaa waxa Jira Jaceyl galbeedi.Sidoo kale waqooyi iyo Koonfur intaba.Haddii aad rumeysan tahay in dadka Koonfur ka yimaadaa ay kaa dhaqan iyo Lahjad duwan Yihiin ma la odhan karaa sidoo kale wey kaa Jaceyl iyo Dareen duwan yihiin.Jaceylku ma Dareen gaar ah oo dadka Dibada kaga Yimaada mise waa mid qofka ku dhex Jira oo kolba ku kora hadba dabeecada iyo dhaqanka
qofkaasi leeyahay.Maxay ku kala duwanaan karaan Jaceylka qofka bari guntii jooga iyo Midka Galbeedka fog jooga Jaceylka ku dhacaa.ma waxaad aaminsan tahay in Jaceylku aanu degaanka iyo hab dhaqanka dadka saameyn ku laheyn oo uu ka gaar yahay mise waxaad taagersan tahay in deegaanka iyo hadba wadanka la joogaa ay qofka dabeecadiisa bedeli karaan.
Gobolada qaar Jaceylku waa qaali,Guurku waa qaali,Dadka joogaana waa dad qab iyo kibirnimo ku wada Jirto.Sidoo kale gobolada Somaliland qaar badan oo ka mid ah waxa la odhan karaa hab jaban iyo jaceyl fudud oo si sahlan guur kuu dhaxalsiin karta Ayaad ka heli kartaa.wax kasta oo si fudud lagu helaa si fudud ayey kaaga tagi karaan.Haddii Jaceyl fudud oo aan ka fiirsi laheyn jiro,kala tag iyo isku dhac aan ka fiirsi laheyn ayaa bata ama ku lamaan.Dadku waxay ku kala aragti duwan yihiin fikirka iyo rumeynta diinta laga heysto,waxa ay ku kala aragti duwan yihiin Macnaha nolosha,waxa lagu kala aragti duwan yahay qiimaha wakhtiga iyo orodkiisa,waxa lagu kala aragti duwan yahay dookha iyo Midabka,waxa lagu kala aragti duwan yahay Lacagta sida maalka,Qabiilka iwm.waxa lagu kala aragti duwan yahay deebacadaha,afka,horumarka, shaqada,waxbarashada,Furiinka,Dhoofka iyo ugu danbeyn talada iyo taageerada qoysaska intaba.
Qofka waad ku odhan karaa waad sal fududahaya.waad ku odhan kartaa waa deg-degtaa.Waad ku odhan kartaa laguma Fahmo.waad ku odhan kartaa waad dagaal badan tahay.waad ku odhan karta waxaad tahay qof qabow
waad ku odhan kartaa waxaad tahay qof nasiib leh.waad ku odhan kartaa waxaad tahay qof qaali ah.ma odhan kartaa waxa jira hadaba Jaceyl fudud,mid deg-deg badan,mid la fahmi karo,Mid aan la fahmi karin,Mid si aan ka fiirsi iyo ku talo gal aheyn kuu saaqi kara.Dadka deegaanka ku nooli haddii ay yihiin kuwo qabow ama deganaan Maskaxeed leh Jaceylka ku dhici karaana waxa uu noqonayaa Mid degnaantaasi ku hela.Gobolada qaarkood Ragu waxay qabaan 3 ama laba dumar ah halka meelaha qaarkoodna aan mid laga badin karin.Fur oo hadana guurso ayaa Gobolada qaarkood si fudud uga dhici karta halka dhul badan dadka dega ay ku adaga tahay macaamilka noocaas ahi.Caadalada iyo Diinta ma waxa u fiican in 4 tiiba la isku qaado Mise in hal qof la Xejiyo.
in aad reerkii aad dooneysey ka guursatay ma qeyb ka mid ah guusha Jaceylka laga gaadho ayey kula tahay.Mise guusha Jaceylku waa in aad heshay qof kuu qalma oo leh Sifihii aad dooneysey Cida uu doono ha noqdee.ma la odhan karaase Jaceylka Guushiisu waxa ay ku xidhan tahay in aad ka guursatay isla gobolkii aad ka soo Jeeday oo aad Heshay qof deegaankii ah.Degaanka aad ka guursatay Jaceylka ma fudeyd ayey ka dhigi karaan,Ma Miskiin ayey ka dhigi karaan,Mise qaali.Rag iyo Hablo badan ayaa Jecel in Gobol ka baxsan Gobolada ay ka soo Jeedaan laga soo Doono ama ka guursada.
markaad wadanka ka baxdo,Macnaha iyo qiimaha Jaceylka ayaad fahmeysaa,Waxaana kugu dhacaya Jaceyl dabeecada wadankaad joogto leh.Habka dadkaasi aad la nooshahay Jaceylka u heystaan ayaanad u aaminsan tahay in Jaceylka dhabta ahi yahay.Wadanka markaad ku soo Noqoto ayaad dib u odhan doontaa wax badan ayaa ka Khaldan Hab Macaamilka dadkaaga.Jaceyl iyo Xidhiidh aan Dhaqankaagu Mahadin ayaanad Bulshada la soo dhex Gali karta.Wadamada Bariga sida India Jaceyl laga keeno,Wadamada reer Galbeedka Hab jaceyl la soo matalay laga keeno,Mid carabta laga Keeno iyo kuwo America laga soo Turjumey intaba wadanka waa la iskugu keenay.Soomalida Jaceylka waxa bara aflaantaasi bari iyo Galbeed isaga timi.Habkii Jaceylka soomaalidu Dhaqamiyanka u laheyd ayaana ku dhalan guuri kara Musasaladan badan.
in aad fogaato oo meel shishe aad ka sahan doonato oo aanad ku soo dhex noqon reerka Ayaa la isku booriyaa.Caruurta abti u samee Ayaa lagu odhan doonaa.waxa ay u dhaxday isla qabiilkooda iyo waxa ay tagtay bari,wuxuu ka degay galbeed.Ninkaasi wuu fogaaday, waa isla reerka uun,wuxuu ka qabaa..................................Maxaa isaga dan ah Jihooyinka iyo Jaceylka.Maxaa isaga Xidhan Jihooyinka iyo Guurka ama deegaanada kala duwan iyo Guurka.Dadyow badan ayaa ku adag in ayna marna dhinacna u dhaafin isla gobolka ay ka soo Jeedaan,Hase ahaate soomaalidu in ay Meel fog ka guur doonato ayaa dhaqankooda ku Jirtay,Dad reer guura ah isla markaasina dagaal badan oo ku magan gala Hablaha iyo Haweenka la kala guursado ayey aheyd meelo badan.
Bari Dhul ayaa kaa xiga Galbeedna dad ayaa kaa xiga ma waxa lagala soo bixi karaa in tarantu ay kala badan tahay.Ma waxa laga soo bixi karaa in odhaahdaasi ay iska tahay ku tiri kuteen.Galbeedka beero,lo,da oo la iska dhaqdo,Dhowr xaas oo aan kala fogeyn ayaa lagu sheegi Jirey oo hadana is ogol,Taran badan iyo kaftan reernimo.Jaceyl qabow iwm,Mala sidii hore maaha wakhtigan oo xoolana ma Joogaan beerihiina laguma oga.Wadamada reer galbeed dadka ka yimaada Sida Yurub waa laga Jecel yahay kuwa ka yimaada Bariga aduunka.
Waa inoo Ramadaanta ka dib Haddii ilaahay Yidhaahdo.................... West and Love,East and Love..
Ceelaabe