Jacaylka iyo Kalgacaylka Illaahay (SWT). By: Zakaria Ali Guray (Dan-Garad)
(Hadhwanaagnews) Saturday, July 14, 2012
Marka Hore waxaan Salaamaya Dhamaan Akhristayaasha Maqaalkaygan, Waxaanan Rajaynayaa Inaad Ka Faa´ideysataan Dhamaaantiin.
Marka Hore waxaan Salaamaya Dhamaan Akhristayaasha Maqaalkaygan, Waxaanan Rajaynayaa Inaad Ka Faa´ideysataan Dhamaaantiin.
Intaa ka Dib Waxan jeclahay inaan ku bilaabo magaca ilaahay waxaa mahad leh ilaaha inagu galadaystay nimcada islaamnimada, nimcada iimaanka iyo nimcada kitaabkiisa sharafta leh, ilaahaas oo aan halkaa inagaga tagin balse intaa inoo soo raaciyey bashar rasuul ah (RAXMATAN LIL CAALAMIIN) ah. Intaa ka bacdi waxaan jeclaan lahaa in aynu
manta ka hadalno jacaylka iyo kalgacaylka ilaahay.
Imaamka ibnul-qayim wuxuu leeyahay (Jacaylku waa geed qalbiga ku yaalla, xidhiidhkiisuna waa is hoosdhigga cidda la jeclaado, jiridiisuna waa barashadiisa, laamahiisuna waa kacabsashadiisa, caleemihiisuna waa ka xishoodkiisa, midhihiisuna waa adeeciddiisa, waxa geedkaas lagu waraabiyaa waa xuskiisa. Haddaba, haddii jecaylka mid ka mida intaasu ka maqnaato waa kala dhiman yahay) Baabka kuwa Allaah jecel/409.
Waxa kale oo Caalimka Ibnu Rajab yidhi: (Ilaahay jacaylkiisu waa laba darajo, midi waa farac waajib ah " waana inaad jeclaatid Allaah jacayl keensanaya inaad jeclaatid waxa uu waajibka ka dhigay, necbaatidna waxa uu xarimey, inaad jeclaatid Rasulkiisa uu fariinta innoogu soo dhiibey, kana hor marisid jeclaantiisa nafta iyo ehelkaba, jeclaatidna diinka uu inoo keeney, kana raali ahaatid isuna dhiibtid sharciga, sidoo kalana inaad jeclaatid Anbiyada iyo kuwii raacay jidkooda, waana inaad u cadhooto Gaalada "iyo danbiilayaasha", Allaah dartiina ula coleytantid.
Taasi waa inta lagama maarmaanka ah ee jacaylka imaanka dhameys tiraya, qofkii mid ka mida ka tagaana imaankiisu naaqis yahay "hooseeyo" sida uu Ilaahay sheegey ee uu yidhi:
(( Rabbigaa ayaan ku dhaartaye: kuma rumeynayaan illaa ay kaa xukun yeeshaan waxay isku qabtaan, dabdeedna aaney Naftoodu kahan waxaad ku xukmisey, isna dhiibaan is dhiibitaan)) nisaa/65.
Darajada labaad, waa darajada ciidamada Allaah xagiisa u dheereeyey una dhawaadey, lana soo dhaweeyey waana " inuu jacayku gaadho inla jeclaado waxa uu jecel yahay ka la jecel yahay, oo sunayaashu ka mid yihiin, lana karaahiyeysto waxa uu karaahiyeystey ka la jecel yahay, lagana raali noqdo xukunkiisa iyo qaddarkiisa haba dhibto nafta amaba masiibo ha ahaatee". Waxaana taas ku tusinaya aayada uu Allaah ku sheegey kuna yidhi:
(( Qofka iga colaadiya Wali waxaan ogeysiyey dagaal, addoonkayguna iiguma soo dhawaado shay xaggayga loogaga kalkacayl badan yahay waxaan ku faral yeelay, kamana suulo adoonkaygu inuu iigu soo dhawaado sunayaasha, ilaa aan jeclaado)).
labadaasi derajo ee jacaylku waxaynu raacin doonaa wasiilooyinka "Dariiqa"lagu gaaro jacaylkaasi oo ay ka mid tahay:
1- Inaad Qur´aanka u akhrisid si deggen oo fahal leh.
2- inaad Allaah ugu dhawaatid sunayaasha faralka dabadeed, ha ahaato qaar salaado ah ama soon ,sadaqo ama cimro, iwm.
3- Inaad xuska Ilaahay caado ka dhigatid, carrabkaagana bartid odhaahda xuska Ilaahay mar walba.Iyada oo ay xaalad kasta oo aynu qabanno ku timid adkaar iyo Dikri la sunneeyey in la yiraahdo.
4- Inaad daacadda Allaah ka hor marisid naftaadu waxay jeceshahay.
waase inaad ugu horeyn naftaada ka nadiifisaa jacaylka ay cid kale ku xidhan tahay amaba naftaadu jeceshahay. Kaas oo kaa mashquulinaya jacaylka Ilaahay " qalbigana laba jacayl ma wada degaan"..
5- Inaad Ilaahay magacyadiisa baratid tilmaamihiisana dhuuxdid.
waase inaad ugu horeyn naftaada ka nadiifisaa jacaylka ay cid kale ku xidhan tahay amaba naftaadu jeceshahay. Kaas oo kaa mashquulinaya jacaylka Ilaahay " qalbigana laba jacayl ma wada degaan"..
Waxay u dardaarantey haweeney kamid ahayd dadkii salafka wanaagsanaa ahaa wiilkeedii waxay ku tidhi: ( Barro, caadana ka dhigo jaceylka Ilaahay iyo daacadiisa, waayo kuwa taqwada leh waxay xubnahoodu barteen daacada Allaah, waxaaney diideen wax kale, Haddii shaydaanku macsiyo amrana waxay ka leexataa xagooda, ayaguna waa diidaan).
Ilaahay ayeynu ka baryeynaa inuu ina waafajiyo jacaylkiisa, si aynu u gaadhno taqwadiisa sharafta badan. Aamiin.Taasi waa qodobada kuu kaxayn kara jacaylka Ilaahay , qalbigaagana ku mashquulin kara adeeciddiisa, waase inaad ugu horeyn naftaada ka nadiifisaa jacaylka ay cid kale ku xidhan tahay amaba naftaadu jeceshahay. Kaas oo kaa mashquulinaya jacaylka Ilaahay " qalbigana laba jacayl ma wada degaan"..
Waxay u dardaarantey haweeney kamid ahayd dadkii salafka wanaagsanaa ahaa wiilkeedii waxay ku tidhi: ( Barro, caadana ka dhigo jaceylka Ilaahay iyo daacadiisa, waayo kuwa taqwada leh waxay xubnahoodu barteen daacada Allaah, waxaaney diideen wax kale, Haddii shaydaanku macsiyo amrana waxay ka leexataa xagooda, ayaguna waa diidaan).
Ilaahay ayeynu ka baryeynaa inuu ina waafajiyo jacaylkiisa, si aynu u gaadhno taqwadiisa sharafta badan. Aamiin.
Wabilaahi Towfiiq, By: Sakarie Ali Mohamed (Dan-Garad)
chiefcaqil@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga