Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wabsite-kii Ugu Horeeyay oo ay Ku Midoobeen in Ka Badan 20 Suxfi oo Qorta Ciyaaraha Kubada Cagta oo Ku Kala Sugan Somaliland Yurub Amerika Afrika iyo Muqdisho oo Hawada Si Toos ah Ugu jira.


(Hadhwanaagnews) Monday, July 16, 2012
Waxaa hawada si toos ah usoo galay Wabsite-kii ugu horeeyay ee qora ciyaaraha Kubada cagta ee Horyaalada yurub

Waxaa hawada si toos ah usoo galay Wabsite-kii ugu horeeyay ee qora ciyaaraha Kubada cagta ee Horyaalada yurub oo ay ku midoobeen in ka badan 20 Suxufi oo qoraayaal Sports ah oo dhamaantood Soomali kuwaasi oo ku midoobay in ay qanciyaan dadka xiiseeya ciyaaraha kubada cagta.

Wabsitekaas oo lagu magacaabo Shabakada www.ciyaarahamaanta.com ama www.ciyaarahamaanta.net  ayaa mudo la filayay in uu hawada soo galo waxaana haatan

si toos ah dadka ay u aqrisanayaan ciyaaraha kubada cagta ee caalamka ka jira.

Suxufiyiintaan ku buhoobay Wabsitekaan www.ciyaarahamaanta.com  ayaa ku kala nool yurub, Ameerika Afrika, Somaliland iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waana in kabadan 20 Suxufo oo dhamaan tood qoraayaal Sports ah.

Maamulka Shabakada www.ciyaarahamaanta.com  ayaa aqristayaasha ubalan qaadayaa in ay helayaan warar Tayo leh iyo in ay saacad saacad ula socon doonaan  wararkii ugu xiisaha badnaa ee kubada cagta ee caalamka ka socda.

Suxufiyiintaan tira badan ee ku bohoobay Shabakada ciyaarahamaanta.com ayaa markii ay maskaxda ka shaqeysiiyeen waxaa usoo baxday in dadka Soomaalida ah ee xiiseysa ciyaaraha kubada cagta caalamka in aysan heysan meel ay saacad saacad ugala socon karaan ciyaaraha kubada cagta caalamka sida horyaalka xiisaha badan ee England kan Spain,itlay,Germany,France iyo horyaalka Champions League.

Waxaan intaasi kadib ay go’aan ku gaareen in ay sameeyaan Website ciyaaraha kubada cagta ee horyaladaasi qora waxaana ay hawada si toos ah usoo galiyeen Shabakada ciyaarahamaanta.com oo aqristayaasha ay ka heli karaan wararkii ugu dambeeyay ee ciyaaraha maanta jira iyo warar tayo leh oo idin haqab tiri doona.

Maamulka Shabakada iyo guud ahaanba suxufiyiinta qoraayaasha ah ee tira badan ee ku buhoobay Shabakada ciyaarahamaanta.com waxaa ay gacmo furan kugu soo dhaweynayaan in aad kamid  noqotid aqristayaasha joogatada ah anagoona kuu balan qaadeyna in aad la socon doontis ciyaar walba  oo kubada cagta ku sabsan

 

ciyaarahamaanta@hotmail.com

 

 


 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.