Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Shir-Beeleedkii Tawfiiq Ee Beesha Galbeedka Iyo Waqooyiga Gabiley Oo Si Rasmi Ah U Soo Gabo-Gaboobay, Iyo Qodobada Bud-Dhiga U Ahaa Shirka Oo La Shaaciyey


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 17, 2012
Gabiley(HWN)-Shir-Beeleed loogu magac daray Tawfiiq oo ilaa dabayaaqadii Todobaadkii hore uga socday Beesha Reer Xareed ee degta Waqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Gabiley, Tuulada Ilma-Daddo oo qiyaas Toban Kiiloo-mitir

Gabiley(HWN)-Shir-Beeleed loogu magac daray Tawfiiq oo ilaa dabayaaqadii Todobaadkii hore uga socday Beesha Reer Xareed ee degta Waqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Gabiley, Tuulada Ilma-Daddo oo
qiyaas Toban Kiiloo-mitir ah kaga beegan jihada Waqooyi/Galbeed ee Magaalada Kalabaydh ayaa manta si rasmi ah loogu soo gabo-gabeeyey halkaa, kaasi oo ay Beeshu kaga arrinsanayeen arrimo la xidhiidha
danahooda, isla markaana ku koobnaa arrimaha dhaqanka.

Shirkan uga socday Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gabiley Tuulada Ilma-dado oo soo socday muddo Shan Casho ah oo ay u fadhiyeen Ergooyin  51 xubnood ka kooban, kuwaas oo iskugu jira hogamiyayaasha Dhaqanka ee Beesha iyo Aqoonyahano ka mid ah isla Beesha, sidoo kalena lagu soo dhisay  Sadex Guddi oo kala duwan oo ka arrimin doona danaha Beeshooda.
`

Munaasibadii lagu soo gaba-gabaynayey

Shirka Beesha oo lagu qabtay Tuulada Ilma-dado waxa goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan, Maayarka Magaalada Gabiley Axmed Muxumed Qaalib,
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, La Taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur, Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Cuqaal ka tirsan Hogaamiye-dhaqameedka Gabiley, iyo Marti-Sharf kale oo aad u badan.

Munaasibadii lagu soo gunaanadayey Shirkani oo lagaga dhawaaqay Ajandaha iyo dulucda Shirka uga socday Ilma-Daddo Beesha Reer Xareed ayaa lagu dhex shaaciyey Afar qodob oo bud-dhig u noqon doona Dulucda
Shirka, Waxaana kaga dhex dhawaaqay War-murtiyeedkii Shirka Af-hayeenka Cuqaasha Beesha Caaqil Cali Cismaan Xuseen:“  halkan waxaa ka socday shir waynihe ay iskyugu yimaadeen beesha oo aad u  balaadhan
oo shancisho ka socday oo ay mantu u dambayso markaa wuxuu soo saaray war murtiyeed ka kooban afar qodob war murtiyeedkaasi wuxuu sheegayaa  1- wuxuu reer xareed ka shiray soo afjarida khilaafaadkii reerka ka
  dhex aloosnaa iyo midaynta danaha reerka. 2- wuxuu reerku samaystay gudiyo ka kooban cuqaal iyo indheer garad ka shaqeeya danaha reerka.
3- wuxuu reerku diyaar u yahay ilaalinta iyo difaaca jamuuriyada soomaaliland wuxuuna taageersanyahay xukuumadiisa sharafta mudan.

4-wuxuu reerku ku baaqayaa ilaalinta nabadgalyada guud iyo ta gaarba wuxuuna xuquuqdiisa ku raadsanayaa dariiqad nabadi ku dhisantahay waxa weeyi markaa afartaa qodob ayaa kazoo baxay shirkii waynaa ee beesha
reer xareed”. Ayuu yidhi Af-hayeenka Afka Cuqaasha ku hadlayey Caaqil
Cali Cismaan Xuseen (Cali Atam).

Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay isla markaana si wayn u soo dhaweeyey La taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur, Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, Wasiirkii hore ee
Wasaarada Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Caaqil C/laahi Qalinle Fariid, Caaqil Gaydh Cige Geele, kuwaas oo dhamaantood hambalyeeyey War-Murtiyeedkii laga soo saaray Shirka
iyo Isku-Imaatinka ay Beeshu iskugu timid Aayo ka tashiga waxaanay Alle uga baryeen in uu ka dhigo shirkan mid Muwaafaqo ka dhex dhaliya Beesha gudaheeda, isla-markaana wallaaleya Beelaha ay Ood-wadaagta
leeyihiin ee jiho kasta ka xiga.

Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan iyo Maayarka Magaalada Gabiley Axmed Muxumed Qaalib oo si wayn ugu hambalyeeyey Shirkani oo ay ku tilmaameen Mid
Nabaddoon, waxaanay xuseen in ay si wayn u soo dhawaynayaan Shirarka noocan oo kale ah ee ay Beeluhu kaga tashanayaan Aayahooda ee aan ka hor imanaynin Qaranimada.

Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)

Hadhwanaagnews Gabiley Office


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.