Halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa qormo uu qoray nin lagu magacaabo xuseen cali maxamed oo ah nin u dhashay wadanka Urdun, kaas oo uu kaga hadlayo jacayk quwad leh oo dhexmaray isaga iyo gabadh ay is jeclaayeen.
Ninka xuseen waxa uu sheegay in markii hore aanu ka warhayn qiimaha jacaylka balse barashadii jacaylkiisa kadib uu dareemay isbedel ku dhacay noloshiisa.
Qormadaas oo aad u xiiso badan oo aan soo turjumnay waxa ay
ku bilaabmaysaa sidan: aad ayaan ula yaabi jiray tariikhda jacaylka kuwa lagu xusay ama uu haleelay, haddii aan ogaan lahaa jacaylku inuu yahay dunida ama dunidu tahay jacayl,lamaan yaabeen, laakiin waxaan ogaaday in dunida jacaylku ka dhadhan wanaagsan tahay dunida kale ee caadiga ah. Mar kale waxaan leeyahay haddii aan si dhaba u ogaan lahaa dhadhanka dunida jacaylka markii ugu horaysay ee ay indhahaygu barteen iftiinka adduunka ayaan u degdegi lahaa.
Runtii ma waalni ee waxa I haya wax aan anigu wanaag iyo wax wacan u arko, laakiin dadka kale ee i yaqaan iyo qaraabadayduba qof waalan ayay ii arkaan.
Afar iyo labaatan maalmood ka hor ayay ahayd markii ugu horaysay ee ay iga fogaatay taas oo u dhiganta 576saacadood, ama 34560 daqiiqo.
Marna ma ilaabi karo ilbidhiqsi kasta oo aan la qaybsaday tan markii aan la kulmay. Waxaan ku dhex noolahay xasuus macaan , waxaa kale oo aan dhex seexdaa mawjado riyooyin xambaarsan. Sidoo kale waxaan ka dhigtaa ogsajiin yididiilo ay I siisay,si aan ugu noolaado nolosha dhabta ahina waa ta aan had iyo jeer ku hamiyo.
Gacaliso marna maan filay in aan maalin qirto jacaylka aan kuu qabo, kaas oo dadku ku sheegaan waali ama aan waalanahay. Haddii waalidu tahay qofka oo daacad u noqda qofka uu jecelyahay jacaylka dhabta ahi waa ka la dareemo ee maaha ka laga hadlo ama la sheegto.
Jacaylka dhabta ahi waa ka aasaasa seeska nolosha sababna u ah jiritaanka nolosha. Aad ayaan ula yaabaa kuwa ila yaaba, waxaan u arkaa kuwo lid igu ah marka ay I leeyihiin maxaad wax u jeclaatay oo u doonatay waali, run ahaantii maaha waali ilaahayna ima waalo, haddii waxa aan dareemo ee wanaagsan lagu sheego waali waan ogalahay sunaha nolosha ayaa ah in dadku kala aragti iyo mad hab noqdaan.
Hadda qofta aan jeclaaday oo aan ku jeclaaday caqligayga iyo qalbigayga waxay ahayd mid dhamaystir ku dhaweyd dhinaca caqliga,quruxda iyo dhaqanka suuban.taas ayaa horseeday, sixir wax ka daran inuu qalbigaygu dareemo dadkuna ila yaabaan ana aan la yaabo.
Dhawr sanno jacaylkii noo dhexeeyay haddii la miisaamo uu dunida culays leekaanayo.jacaylku waxa uu kaga duwan yahay kuwa kale waa mid aan waligii gaboobayn, waayo waa mid aan guul ku dhammaan, taas oo dhalin karta in la kala xiiso dhaco ama la isnaco.
Afar iyo labaatan maalmood(24days) markii ay iga maqnayd maalintii 25aad waxaan ka war helay gaadhi inuu jiidhay oo ay dhimatay gacalisadaydii iyada oo soo iibsatay dharkii ay jeclayd inaanu ku aqal galno. Ha ila yaabina ma waalni ee waxaan ahay qof jacaylkiisa daacad u noqday isla markaana ogaaday jacaylka dhabta ahi inuu yahay ka ay labada isjecli is helin. Wax kasta oo aanad gaadhin ama kaa maqan qiimo joogta ah ayuu xagaaga ka leeyahay. Mar kasta oo aad gaadho wax kaa maqnaa waa ku qiimo dhacaa agtaada.
Nabadgalyo waad ku mahadsantihiin wakhtiga aad siiseen akhriska maqaalkan aan ka soo diyaariyay jacaylkaas murugada badan
Waa qalinkii A/kariim sheekh (suldaanka)
suldaancabdi4@hotmail.com