badan.
Goaankan marxuum Cigaal waxa uu ummada somaliland kadhaqaajiyey eber(0){zero level} oo aan odhan karno waa guul weyn oo usoo hoyatey MXICigaal alle luxudka laydh qabaw ha ugu geeyee iyo guud ahaan shacabka somaliland.
Marxuum Cigaal oo in badan siyaasada somalida ku soo jirey hadaan inyar ka faaloodo sooyaalkiisa waxa uu todoba cisho ka talinayey goboladii waqooyi ee ingiriisku xoriyadooda siiyey 26june/1960kii ka hor intii aan gadhka laysku galin waqooyi iyo koonfur,waxa kale oo uu wasiirka gaashaandhiga kanoqdey xukuumadii u horeysay ee jamhuuriyada Somalia ee Aadan cadde hogaaminayey,markale waxa uu noqdey raysal wasaarihii xukuumadii Cabdirashid cali sharmarke ee dhalatey june.1967kii.
Waxa uu ahaa muwaadin jecel dadkiisa,dalkiisa islamarkaana leh sifooyinka hogaamineed,hees ayaa tidhaahda:
Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geerida dishaay geedkaa haboo.
Waxa kale oo soomalidu tidhaahdaa geeridu geel jire iyo nimaan lagaranayn ayay kuwanaagsan tahay lkn waa xaq oo nina kama baxsanaayo.
Doorashadii golaha deegaanka ee 2003kii dalka kaqabsoomtey waxa kuloolamay lix urursiyaasadeed oo kala ahaa Udub,Kulmiye,Ucid,Sahan,Asad,Hormuud.
Guuleystayaashii libinta gaadhey waxay ahaayeen Udub, Kulmiye iyo Ucid.
Saddexda hogaamiye ee nasiibkoodu uga hiiliyey qeyrkood oo kala ahaa mudane madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo dumaaley Udub kadib markii ay geeri lama filaan ahi kutimid Madaxweynihii dalka marxum MXICigaal,xisbiga kulmiye waxa isna hogaaminayey ninka shaxda siyaasada godku dego aan si yar loo fahmin waa mujaahid axmed maxamed maxamud siilaanyo oo ahaa gudoomiyihi 4aad ee jabhadii xaq udirirka aheyd ee SNM,xisbiga Ucid isna waxa majaraha uqabtey Eng:Faysal cali waraabe oo markaas ku cusbaa heelada siyaasada kana soo ciyaar guday dhinacaa iyo qurbaha gaar ahaan wadamada Scandanavio oo uu muddo kunoolaa.
Waxa midida daabkeeda gacanta ku hayey isla markaana maqaaxidu ushidnayd kooxda Udub isku bahaysatey oo khabiiro badan oo shaxda siyaasada aad uyaqaanaa ay kujireen.
Markii laga soo doogey doorashadii golaha deegaanka waxa soo baxay isxulufaysi iyo saaxiibo cusub oo kubohoobey saddexdan xisbi ee sare.
Xiligan waxaynu odhan karnaa waa xiligii ay bilaabmatey isbarashada shacabka iyo siyaasiyiinta walaw ay jireen rag tiro yar oo hore loosoo arkay xiliyadii halganki SNM iyo xukuumadihi harraadiga ahaa ee Somalia kasoo shaqeeyey waxii ka horeeyey 1991kii.
Ciyaarta iyo jagida siyaasada rag badan oo yaqaana ayaa soo baxay kuwaas oo markii ugu horeysay shaashadaha iska muujiyey.
Xaladda iyo xafiiltanka siyaasadeed waxa uu soo jiitey rag badan oo daafaha dunida ka xamaalan jirey qaarkoodna qaxoonti ahaan lacag lagu siin jirey oo dalka ka cararey xiliyadii dawladii MSBarre dalka ka talin jirtey.
Nimankani waxay xaasaskoodii iyo ubadkoodiiba kaga yimaadeen qurbaha waxayna usoo shaqo tageen dalka iyagoo suudhadh quruxbadan kusoo labistay.
Waxa kale oo siyaasidan furfurantay fursad ka helay rag ganacsato ahaa oo maanta siyaasiyiin waaweyn noqday magacdoodana la bartey kadib markii ay dhexboodeen ururadi siyaasada.
Ganacsatadani waxay iskugu jiraan nimankii dhakhaatiirta ahaa ee dadka xaaladaha caafimaad ugu adeegi jirey lkn door biday siyaasada inay ka muuqdaan,sidoo kale rag ganacsato ahaa oo xoolaha nool ka ganacsan jirey ayaa markii sayladii ganacsigooda xayiraada sucuudigu kudhacdey dantu ku kaliftey inay dhinaca siyaasada miciin bidaan inkastoo markii hore aanay waxba ka aqoon arrimaha siyaasada hadana markii danbe iyagaaba macalimin waaweyn noqday oo waxa hore loo yidhi laga bareyba laga badi.
Waxa kale oo iyana maraafiishta lagu qayilo ka soo kacey daydaygii iyo ragii ka danbeeyey mashruucii dagaalkii sukeeyaha ee somaliland ka qarxay 1994kii oo maanta aad uga dhex muuqda awooda sare ee dalka iyo dhammaan asxaabta siyaasadaba,ragani markii ay garawsadeen inay qaldameen dadkuna fahmeen ayey waxay dadka dhagaha kaga khuukhiyeen inay ahaayeen mujaahidiin faraha lagaga gubtey oo dalkooda iyo dadkooda usoo dagaalamay lkn waxaan odhan karnaa waxay dhuumanayaan dhuumasho dhabarku muuqdo waayo dadku wey ogyihiin oo dushooda ayay ka muuqataa inay dad walaalo ah oo dhiig iyo dhaqanba wadaaga isku direen,bal ufiirso erayadan murtida ah ee haysata nimankan dhagar qabayaasha ah ee dhabarkoodu muuqdo ee hadana leh waanu dhuumanaynaa:
Safar alle ninkii dhacey
Nin saqiiro gowracay
Sixiraw kitaab gaab
Saddex daas inkaar qabe
Samaan kuma dambeeyaan
.
Waxaan hubaa mar ay noqotoba in xukuumad cadaalad ah oo ragan maxkamad la tiigsataa inay gayigan ka dhalan doonto xataa haday dhintaan waa dambiilayaal oo waa la xukumayaa maydkooda oo lafo ah.
Akhriste waxaan ogahay in ragan aan lahadlayaa ay is garanayaan waayo somalidu waxay tidhaahdaa fuley xantii ma mooga.
Akhriste ka qoraa ahaan hal xal oo bushaaro u ah dhagarqabayaashan ayaan u hayaa kaas oo ah hadii nimankani qirtaan inay ummada danbi ka galeen,ah inay ka danbeeyeen ama lugba kulahaayeen dagaalkii sukeeye,in 30% danbi goodu is dhimayo lkn maxkamada ayey utaala goaanka ay gaadhayso kadib markay qirtaan danbigaas
Lasoco qeybo kale oo xiiso badan.
W/Qalinkii:Abdihakim Marrayare
Abdihakim_marrayare1@hotmail.com