Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Adduunyo gaddoonka siyaasadda Somaliland by Mustafe Farah Ali


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 17, 2012
Dhaqan ahaan soomalidii hore waxay ahaayeen dad dhaqankooda ku adag oo aanu qofkastaaba sheegan karin wixii

Dhaqan ahaan soomalidii hore waxay ahaayeen dad dhaqankooda ku adag oo aanu qofkastaaba sheegan karin wixii uu doono taas oo qofka magaca ay dadka la nooli u soo bixiyaan ee aanu isagoo awood u lahayn inuu iskala baxo magacii uu doono ama jeclaado.

Sida aynu wada oganahay qayb badan oo ka mid ah dadwaynaha reer Somaliland waxay hadda isu  bedeleen ama isu  dhalan rogeen siyaasiyiin. Kaaga sii darane siyaasadi waxay iyana keentay in ay

style="mso-spacerun: yes">  soo baxaan dad farabadan oo sita magacyo iyo astaamo sharafeedyo aanay kasbanin oo aanay xaq u lahayn. Tusaale ahaan qofkii markii hore wastaadka ahaa markii uu siyaasi noqday wuxuu sheegtay ama isu rogay injineer(ENG).qofkii macalin dugsi hoose dhexe ahaana waxa uu sheegtay borofisoor (PROFESSOR). Qofkii markii hore ahaa kalkaaliye caafimaad ama haystay dukaan lagu iibiyo daawooyinka waxaa uu isna sheegtay diktoor (DR). qofkii xildhibaan isu sharaxay ee ku guul daraystay ama dhacay waxaa isna loogu yeedhaa xildhibaan taas oo qaar badan oo dadkaas kamid ahi ay aad uga helaan marka aad ugu yeedhana aad agtooda ka mutaysanayso soo dhawayn heer sare ah.

Hadaba waa layaabe iswaydiintu waxa ay tahay magacyadan ama astaamahan siyaasad la dhaladka ah  ee aynaan hore sida qaldan ugu isticmaali jirin ma waxa ay noqdeen been ay dadka siyaasadda hadda galayaa ay ku meel maraan mise   siyaasadda ma soo geli karo qof aan magac ama astaan been ah aan wadan. Hadii aanad su’aalahan ka jawaabi karin ma sheegan kartid magacyadan kor ku xusan.

 

Hadii se aad magacyadan la baxday ma is waydiisay su’aalahan. Hadii aad diktoor ama DR la baxday jaamcadee ayaad ka soo baxday ama cusbitaalkee ayaad wax ku qali jirtay?. hadii aad borofisoor sheegatana jaamacadee ayaad bare ka ahayd is waydii?. Hadii aad si sharaxday oo aanad guulaysana baarlamaankee yaa xubin ka tahay?. Hadii aad wastaad muruq maala ahayd oo aad injineer sheegatana ma is waydiisay ama taqaan inta xaglood ee jira?.

Ugu danbayntii waa iga talo ee  miyaanay kula ahayn inaad sheegan magac aanad kasban ama aanad mutaysan?

 

Mustafe Farah Ali

Tel: 4103401

Email: mustafefarah@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.