Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Burco: Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey Bilowga ololihii Tallaalka Cudurka JADEECADA yaa saaka lagu qabtay Hotel Barwaqo ee Magaalada Burco.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 17, 2012
Munasibaddan oo ay soo qabanqaabisay Dallada UNITA ayay ka soo qaybgaleen Masuliyiin ka socota Wasaaradda Caafimaadka, Guddiga Caafimadka ee Gobolka Togdheer, maamulka Gobolka Togdheer, masuliyiinta Dallada UNITA, xubno ka mid ah Dhakhaatiirta Gobolka...

Burco: Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey Bilowga ololihii Tallaalka Cudurka  JADEECADA yaa saaka lagu qabtay Hotel Barwaqo ee Magaalada Burco.

Munasibaddan oo ay soo qabanqaabisay Dallada UNITA ayay  ka soo qaybgaleen Masuliyiin ka socota Wasaaradda Caafimaadka, Guddiga Caafimadka  ee Gobolka Togdheer, maamulka Gobolka Togdheer, masuliyiinta Dallada UNITA, xubno ka mid ah Dhakhaatiirta Gobolka, Culimo awdiin, iyo Marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn Waxa Munasibaddan ka hadashay Guddoomiyaha Dallada Unita Marwo Saynab Yusuf Cabdi, waxayna ka sheekeysay faaidooyinka Tallaalkani

u leeyahay Bulshada, iyadoo waalidiintana ku wacyigelisay inay carruurtooda tallaalaan.

Intaas kadib waxa furitaankii Munasibadda  ka hadlay Badhasab kuxigenka Gobolka Togdheer   Maxmed Maxud Yusuf Ubaxle, waxa uu waalidiinta ku booriyey inay ubadkooda talaalan fikirka khaldan ee laga dhaadhiciyeyna iska illaawaan,  waxa u xusay in xukuumaaddu ay dadka iyo dalka masuul ka tahay islamarkaasna ay iyadu soo eegtay soo baadhay soona tijaabisay wax kasta oo ubadka iyo ummada la soo dhex dhigo, waxa uu  carrabaabay in wasaaradda caafimaadku ay masuul katahay caafimadka Dadka iyo dalka isla markaasna aanay suuro gal ahayn in dawooyin aan loo baahnayn ama wax lagu noqonayo ay ubadka u keenaan bulshaduna ay fikir khaldan ka aamintay dadkan guri walba dul tegaya ee carruurta ka tallaalaya cudurada xunxun.

Sh. Maxed Oo kamid ah culimadii munasibadda k ahadashay  Ayaa bayaamiyey in ay diinta islaamku bannaysay  Tallaalka iyo dawooyinka lagaga hor tago xanuunada, waxa uu xusay in cudurkan jaadeecadu uu ka mid yahay cudurada halista ah islamarkaasna uu deegaankeena saamayn ku yeeshay, dad baddana ay cisbitaalada u jiifaan, waxa uu sheegay in Rasuulku CSW uu xadiis ku sheegay in ka hortaggu uu ka wanaagsan yahay Daaweynta sidaas darted mararka qaar ay waajib Noqonayso in ubadka laga tallaalo xanuunada ku soo socda. 

Abiib oo ka mid ah hawlwadeenadii barnaamijkan tallaalka cudurka jadeecada ku hawlanaa, iyo cali sh. Cumar oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka kana soo kicitimay caasimadda Somaliland  ayaa si isku mid ah bulshada ugu baraarujiyey tallaalkan, waxay sheegeen in tallaalkanii uu ka bilaabmayo Burco, Oodweyne iyo Buuhoodle isl amarkaasna uu degaanadaas gaar u yahay balse aanu ahayn mid dalka oo dhami la qabo, waxay waalidinta u sheegeen in fursad fiican ay maanta haystaan, haddi ay ubadkooda tallaali waayaan ay dib isaga qooma mayn doonaan,maadaama ka hortaggu uu ka wacan yahay Daawaynta .

Xubno ka mid ah Dhakhaatiirta Gobolka  Togdheer ayaa iyaguna si weyn uga hadlay Tallaalkani, waxaana ay xuseen in tallaalkani uuyahay mid bulshadu y baahan tahay, balse u baahan in loo bislaado oo la fahmo macnaha uu xanbaarsan yahay, waxay dhakhaatiirtani wax lala yaabo ku tilmaameen inwaalidiinta iyo bulshada lala baryo carruurtiina tallaala, hadhow markay tallaali waayaan ee fursadaha soo mara ka faaidaysan waayaan ay dhaqaale badan ku kharash gareeyaan caafimadkiisa, oo dhakhaatiirta ay kula wareeraan.

Dr. C/raxman Heeliyo oo ka mid ah Saraakiisha caafimadka ee Gobolka Togdher ayaa ka warbixiyey  wakhtiga uu bilaabanayo tallaalkani, gaadiidka iyo shaqaalaha ka hawlgelaya iyo  sababaha keenay wakhtigan tallaalkan ku kooban saddexda Degmo, waxa uu sheegay Dr. C/raxman  in 300 00 shaqaale ahi ay ka shaqaynayaan Tallaalkan isla markaasna uu maanta ka bilaabmayo Magaalada Burco iyo hareeraheeda, sidoo kalen ay ka shaqaynayaan tiro ka badan 56 Baabuur ah, islamarkaasna uu socon doono 10 maalmood oo ka bilaabmaysa Maanta.

Gebogabadii waxa Munasibadda lagu qaybiyey waraaqo wacyigelin iyado si wada jir ah Bulshada looga codsaday inay u nuglaadaan wacyigelintan isla markaasna ay bulshada ku wacyigeliyaan inay ubadkooda tallaalaan.

 

 

 WARKAN OO VIDEO AH LA SOCO GOOR DHOW

Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.